Muqdisho:-Waa Sidee Saaka Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xalay Habeenimadii Uu dab Qabsaday.
Dabkan oo markii hore ka bilaawday qeybta lagu iibiyo Dharka Huudheyda iyo Joodariyaasha ayaa markiiba ku fiday qeybo kale oo isla suuqa ka tirsan, sida ay Hiiraan Online u sheegeen qaar ka
‘’Dabkan waxaa oran karaa waa kii ugu weynaa oo waayadan soo mara suuqa oo marar badan ooh ore sidan oo kale uu dab uga kacay, hasse ahaatee kii xalay waxaa la dhihi karaa waa kii ugu ballaarnaa oo waayadan aan arko’’ ayuu yiri qof ka mid ahaa dadkii xalay ku kaacay markii ay ka war helleen warka ku saabsan dabka qabsaday suuqa.
Wuxuu sheegay in uu isku fidiyay laga soo bilaabo qeybta Huudheyda ilaa laga soo gaaro qeybta kale ee lagu iibiyo maacuunta ee Suuqa Khaliifa, halkaa oo laga dheehan karay saameynta uu lahaa dabka.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo markii danbe lagu guuleystay in la damiyo.
Suuqa Bakaaraha. Waa xuddunta dhaqaalaha Soomaaliya, hantida taallana waxay u dhiganta balaayiin dollar.
Muqdisho:-Waa Sidee Saaka Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xalay Habeenimadii Uu dab Qabsaday.
MWaa Sidee Saaka Suuqa Bakaaraha Ee Magaalada Muqdisho Oo Xalay Habeenimadii Uu dab Qabsaday.