Lawyacado:-Xaalada Nololeed ee Magaalada Lawyacado Oo Walaac Laga Muujiyay
Maalmahan dambe waxa laga dayrinayaa xaalada magaalada Lawyacado iyo degaanka ku xeeran ee gaar ahaan dhinacyada isku socodka dadka degaanka, dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo adeegyadii kala duwanaa ee dadka is leh ee degan xadka labadiisa dhinac ka dhaxayn jiray.
Djibouti loo diido inay xadka ka gudbaan hadii aanay sifo sharci ah ku galayn dalkaasi. Dhaqdhaqaaqii ganacsiga yaryar ee u badnaa kala iibsiga biyaha Sharaabka jaadka iyo maciishadaha kale ayaa hoos u dhacay kadib markii ay ay Somaliland ciidamo milaari ah dhoobtay xadka kuwaas oo diiday in daka ku dhaqan dhinaca Djibouti oo ay ku jiraan ciidanka iyo shaqaalaha kale ee ka hawl gala xadka dhinaciisa Djibouti ay u soo dukaansi tagaan dhinaca Somaliland sidii ay awalba uga adeegan jireen.Walaacan oo maalinba maalinta ka dambaysa isa soo taraya ayaa waxa uu salka ku hayaa amaro-midi-midi ku tag ah oo ka dhaxeeya masuuliyinta dawlada ee labada dhinac waxii ka dambeeyay markii uu badhasaabka gobolka Salal cambaareeyay Safar aanay xukuumadu ogayn oo uu Taliyaha Booliska ee Djibouti ku yimid degaano degmada Saylac ka tirsan, safarkaas oo Badhasaabka Sala loo kaashanaya Xukuumada Somaliland uu ka qaaday talaabo adag
oo saraakiil ka tirsan waaxda Socdaalka Somaliland loo xidhxidhay Ma aha intan oo kaliya balse waxa xigtay inay masuuliyiinta dhinca waaxda Socdaalka ee Djibouti ay talaabadan kaga dareen celiyeen mid la mid ah oo ay isku hortaageen in masuuliyiinta dagmada Saylac oo ay ku jiraan xildhibaanada iyo kuwa kale ee ka hawl gala laamaga dawlada ee Lawyacdao oo markii haro si mac-rifo ah ku gali jiray
Sidoo kale sida ay ku soo waramayaan dadka degaanku safaradii yaryaraa dhinaca Quqdaarta, Hilibka, Raashinka Fudud ee uu Furunku ka mid yahay iyo wixii la mid ah ee ay dadka ku dhaqan xadka dhinaca Somaliland gaar ahaan Magaalada Lawyacado iyo nawaaxigeeda u aadi jireen dhinaca Djibouti ayaa la xayiray kadib markii ay ciidanka iyo saraakiisha waaxda Socdaalka ee Djibouti is hortaageen.
Maxamed Cabdilaahi aw Yuusuf oo ka mid ah ganacsadada yar yar ayaa masuuliyiinta labada dhinac ugu baaqay inay xiisadan saamaynta ku yeelatay ay dajiyaan, islamarkaana loo baahan yahay inay soo faragaliyaan madaxda sare ee Somaliland, isagoo masuuliyada xiisadan dusha u saaray Badhasaabka cusub ee gobolka Salal,oo uu ku sheegay inuuu yahay nin da'yar islamarkaana ku cusub siyaasada
Xiisadan aan la garanayn waxa ay salka ku hayso ee xadka ka aloosan ayaa waxa ay u muuqataa mid maalinba ka dambaysa sii dhaawacaysa noloshii dadka ku noolaa tuulooyinka u dhaw dhaw xadaka labadiisa dhinac ee markii hore iska baalbari jiray sharciyada dhinaca socdaalka ah, ilaa hadana ma cada Meesha ay ku dambaynaysa arintani mar hadii aan la arkayn masuuliyiin wax aan ahayn amaro ku-jiq-sii ah bixinaya
Lawyacado:-Xaalada Nololeed ee Magaalada Lawyacado Oo Walaac Laga Muujiyay
Xaalada Nololeed ee Magaalada Lawyacado Oo Walaac Laga Muujiyay