Muqdisho:-Ra'iisal wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe

0
Monday January 14, 2019 - 12:41:16 in by salman abdi
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Ra'iisal wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe

    Muqdisho:-Ra'iisal wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Ra'iisal wasaare Kheyre oo Baarlamaanka u gudbiyay xeerka wax ka badalka Agaasinka Bangiga Dhexe

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa u gudbiyay Golaha Shacabka xeerka wax ka badalka guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo lagu waddo in uu maanta ka dooddo Golaha.

Xeerka ayaa u qornaa siddan :


Markuu la arkay Baahida loo qabo :-Soo saarista xeer maamul oo haggaya soo xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya :

Markuu Arkay :-In Golaha Wasiirraddu Wadajir u ansixiyeen si waafaqsan xeerka qoddobka 99 farqadiisa (b) ee Dastuurka Soomaaliya.

Markuu ku qancay :-InSharciga 130 u baahan yahay dib u eegis nuxur ahaan iyo qaab dhismeed ahaan si uu ula jaan-qaadi karo Nidaamka Maaliyadeed ee dalka (PFM) kuna saleysan furfurnaanshaha Dhaqaale ee Caalamiga ah.

Wuxuu Meel mariyay

1 .Xeerkan maamul ee Golaha Wasiirraddu ogolaadeen oosi KMG u haga xulida xubnaha Agaasinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya in dib u eegis wadajir ah ku sameeyaan Guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyadda Golaha Shacabka iyo Wasaaradda Maaliyadda Sharci Lambar 130, si la isku waafajiyo shuruucda maaliyadeed ee dalka.

2.Iyadoo aan wax loo dhimeyn Sharciga 130aad, ee 22/04/2012 qodobka 12aad, farqadiisa 1aad, xeerka (a) waxaa loo ogolaaday guddiga xulista xubnaha guddiga Agaasinka Bangiga dhexe ee Soomaaliya in ay soo xuli karaan qof kastaa oo ugu dhibco sareeya, Karti ahaa, Aqoon ahaan, iyo hufnaan intaba guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

3, Xeerkan waxaa uu dhaqan-galayaa markii uu meel mariyo Golaha Shacabka islamarkaana uu Dikreeto ku soo saaro madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

Haddaba xeerkan uu ku saxiixan yahay ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa haddii uu meel maro ama isku raacaan Golaha Shacabka waxaa ay ka dhigan tahay in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.