Taageereyaasha Barcelona Oo Cod Ku Doortay Weeraryahanka Ay Doonayaan In Kooxdooda La Keeno Iyo Jamaahiirta Real Madrid Oo Ka Cadhoon Kara

0
Monday January 14, 2019 - 12:48:26 in by salman abdi
  • Visits: 530
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageereyaasha Barcelona Oo Cod Ku Doortay Weeraryahanka Ay Doonayaan In Kooxdooda La Keeno Iyo Jamaahiirta Real Madrid Oo Ka Cadhoon Kara

    Taageereyaasha Barcelona Oo Cod Ku Doortay Weeraryahanka Ay Doonayaan In Kooxdooda La Keeno Iyo Jamaahiirta Real Madrid Oo Ka Cadhoon Kara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taageereyaasha Barcelona Oo Cod Ku Doortay Weeraryahanka Ay Doonayaan In Kooxdooda La Keeno Iyo Jamaahiirta Real Madrid Oo Ka Cadhoon Kara

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa doortay weeraryahanka ay doonayaan in kooxdoodu soo iibsato suuqa jiilaalka ee hadda amaba xagaaga, si ay u helaan beddelka Luis Suarez.

Barcelona ayaa fasaxday laacibkeedii Munir oo ku biiray Sevilla, waxaana kusoo hadhay Luis Suarez oo kaligii ku ah afka hore ee weerarka, iyadoo ay da’diisu tahay 31 jir, taasina waxay qasab ka dhigaysaa in kooxdu hesho beddel fiican oo haddii uu dhaawacmo amaba daal ku yimaaddo booskiisa qabta.

Ciyaartooyo badan ayaa lala xidhiidhiyey kooxda reer Catalonia, waxaana xiddigaha lasoo qaaday ku jira Alvaro Morata oo ka tirsan Chelsea hase yeeshee ka mid ahaa da’yartii kasoo baxday kulliyadda Real Madrid iyo Fernando Llorente oo afka hore uga ciyaara Tottenham.

Wargeyska Marca ee kasoo baxa dalka Spain ayaa afti afti ka qaaday taageereyaasha Barcelona, waxaanu weydiiyey laacibka ay doonayaan inuu noqdo beddelka Suarez, waxaana codkooda dhiibtay 120,000 taageere, kuwaas oo dhamaantood isku raacay in suuqa hadda furan ee January ay u baahan yihiin weeraryahan.

Su’aasha uu wargeysku weydiiyey ayaa ka koobnayd saddex doorasho, waxaanay ahayd inay doortaan Morata ama Llorente ama weeraryahan kale, waxaana tirada ugu badan ee jamaahiirtu ay iskau waafaqeen inay u baahan yihiin weeraryahan kale oo aan ahayn Morata iyo Llorente, hase yeeshee codadka labaad ee ugu badan ayaa waxa kusoo baxay Morata halka uu Llorente kaalinta saddexaad galay.

36 boqolkiiba waxay taageereyaashu u codeeyeen inay u baahan yihiin weeraryahan kale, laakiin 33 boqolkiiba ayaa doortay Morata halka 17 boqolkiiba waxa kusoo baxay Llorente.

Taageereyaasha qaarkood oo lagu qiyaasay 14 boqolkiiba codadka la dhiibtay ayaa waxay iyaguna ku qaybsameen xiddigaha Maxi Gomez oo Celta Vigo u ciyaara iyo Odion Ighalo.