Harhaysa:Golaha Guurtida Oo Yeedhay Madaxda Ugu Sarraysa Xisbiga WADDANI, Shir Hadda U Socda + Magacyadda Mas'uuliyiinta Ku Sugan Shirkaasi Iyo Arrimaha La Filayo Inay Ka Wada-hadlayaan

0
Wednesday January 16, 2019 - 11:55:21 in by salman abdi
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Harhaysa:Golaha Guurtida Oo Yeedhay Madaxda Ugu Sarraysa Xisbiga WADDANI, Shir Hadda U Socda + Magacyadda Mas'uuliyiinta Ku Sugan Shirkaasi Iyo Arrimaha La Filayo Inay Ka Wada-hadlayaan

    Harhaysa:Golaha Guurtida Oo Yeedhay Madaxda Ugu Sarraysa Xisbiga WADDANI, Shir Hadda U Socda + Magacyadda Mas'uuliyiinta Ku Sugan Shirkaasi Iyo Arrimaha La Filayo Inay Ka Wada-hadlayaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Harhaysa:Golaha Guurtida Oo Yeedhay Madaxda Ugu Sarraysa Xisbiga WADDANI, Shir Hadda U Socda + Magacyadda Mas'uuliyiinta Ku Sugan Shirkaasi Iyo Arrimaha La Filayo Inay Ka Wada-hadlayaan

Guddigii ka koobnaa 25 Xildhibaan ee Golaha Guurtida Somaliland u saareen ka soo talo-bixinta muddo kordhin loo sameeyo golleyaasha wakiillada iyo deegaanka ayaa saaka u yeedheen madaxda ugu sarraysay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.


Guddigan golaha guurtida iyo hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI ayaa waxa uu hadda shir albaabadu u xidhan yahay uga socdaa xarunta golaha guurtida.


Kulan ayaa waxa la filayaan in lagaga arrinsanayo muddo kordhinta ugu haboon ee loo samayn doono labada golle ee wakiillada iyo deegaanka dalka.


Xisbiyadda KULMIYE iyo UCID ayaa hore waxa ay war-murtiyeed uga soo saareen muddada ugu haboon ee ay doonayaan in loo kordhiyo labada golle ee muddo dhaafka ku fadhiya


Wariyaha shabakadda Somalilandtoday oo ku sugan xarunta golaha guurtida ayaa waxa uu sheegaya in mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Xirsi Xaaji Cali Xasan iyo Murrashaxii Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Cali Aw Cabdi iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid.