Madaxweyne Farmaajo oo Beydhabo kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland

0
Friday January 18, 2019 - 13:57:32 in by salman abdi
  • Visits: 470
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Beydhabo kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland

    Madaxweyne Farmaajo oo Beydhabo kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo oo Beydhabo kula kulmay madaxweyne ku-xigeenka Puntland
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Beydhabo kulan gaar ah kula qaatay madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland Axmed Karaash oo halkaa u tagay ka qeybgalka munaasabadii caleemo saarka madaxweynaha Koonfur Galbeed.


Hoos ahaan looma oga wax ay ka wada heleen madaxweyne Famraajo iyo ku-xigeenka madaxweynaha Puntland, hasse ahaatee waxaa xusid mudan in dhawaan Puntland loo doortay hoggaan cusub oo laga filayo in ay wax ka badallaan xiriirkii hore dowladda dhexe iyo Puntland oo bilihii ugu danbeeyayba xumaa.
Madaxweynaha cusub ee Puntland oo Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareysigiisii ugu horeeyay markii xilka loo doortay ku sheegay in uu raacayo dastuurka Puntland waxa uu ka qabo xiriirka uu la leeyahay dowlada federalka

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa siweyn uga soo horjeeda siyaasada dowladda dhexe Soomaaliya, waxaana uu ka mid ahaa tirarka ugu waaweyn isbaheysiga dowlad gobolleedyada oo hadda u muuqda mid meesha ka sii baxaya.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo uu la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa yimid kadib markii dhowaan uu sheegay Madaxweynaha dowlada federalka in uu wanaajin doono xiriirka kala dhexeeya dowlada federalka Maamul goboleedyada dalka.