Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Rekoodh Aan Abid Looga Diwaan Galin Taariikhda Man United Ku Gaadhay Guushii Kooxdiisa Ee Kulankii Brighton.
Manchester United ayaa awooday in ay guusheedii lixaad oo xidhiidh ah ee Premier league ah guul ka gaadhay kooxda Brighton oo Old Trafford marti ugu ahayd, laakiin tababareOle Gunnar Solskjaer ayay guushani u ahayd mid abid lagu xusuusan doono haddii uu kooxda sii joogo iyo haddii uu ka baxaba.
Manchester United ayaa guulaysatay kulankeedii 7 aad oo xidhiidh ah ee tartamada oo dhan, waana guulo soo taxnaa tan iyo maalintii uu Jose Mourinho ka baxay albaabka Man United ee uu shaqada si ku meel gaadh ah ula wareegayOle Gunnar Solskjaer.
Ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda Manchester United ayaa haddaba si buuxda u taageeray inOle Gunnar Solskjaer loo doorto macalinka rasmiga ah ee kooxdooda si meesha looga saaro ku meel gaadhinimadiisa Old Trafford waxayna hadda u muuqataa in maamulka United ay si dhab ah ugu qanci karaan.
Inkasta oo ay soo baxeen warar sheegaya in Sir Alex Ferguson uu yahay shaqsiga saamaynta ku leh soo xulashada shaxda Ole Gunnar Solskjaer ee muddadii uu Man United joogay, haddana shaqada iyo dhiira galinta uu Ole ka sameeyay Red Devils ayaa ah mid cajiib ah.
Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqday tababarihii abid ugu horeeyay ee Manchester United soo laylay ee soo guulaystay lixdiisii kulan ee Premier league ugu horeeyay waana taariikh uu ku dhaafay Sir Alex Ferguson iyo nin kasta oo soo fadhiistay kursiga kaydka Man United.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa hadda noqday ninka ugu taariikh bilaabashada fiican shaqada tababaranimo ee Manchester United taas oo siinaysa in qayb khaas ah loogu qoro taariikhda United.
Laakiin Ole Gunnar Solskjaer ayaa wali haysta fursad kale oo uu rekoodhkan heer kale ugu qaadi karo haddii ay kooxdiisu sii joogtayso guulihii xidhiidhka ahaa ee ay ku soo jirtay.
Si kastaba ha ahaatee, Ole Gunnar Solskjaer ayaa magiciisa lix kulan oo Premier league ah ugu qoray taariikhda waqtiga dheer ee United wuxuuna sidaa ku yahay macalinkii abid ugu horeeyay ee United lixdiisii kulan ee horyaalka ugu horeeyay la guulaystay
Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Rekoodh Aan Abid Looga Diwaan Galin Taariikhda Man United Ku Gaadhay Guushii Kooxdiisa Ee Kulankii Brighton.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer Oo Rekoodh Aan Abid Looga Diwaan Galin Taariikhda Man United Ku Gaadhay Guushii Kooxdiisa Ee Kulankii Brighton.