Maxay Ahaayeen Rekoodhadii Cajiibka Ahaa Ee Mohamed Salah Looga Diwaan Galiyay Kulankii Crystal Palace.

0
Sunday January 20, 2019 - 12:25:56 in by salman abdi
  • Visits: 500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Ahaayeen Rekoodhadii Cajiibka Ahaa Ee Mohamed Salah Looga Diwaan Galiyay Kulankii Crystal Palace.

    Maxay Ahaayeen Rekoodhadii Cajiibka Ahaa Ee Mohamed Salah Looga Diwaan Galiyay Kulankii Crystal Palace.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Ahaayeen Rekoodhadii Cajiibka Ahaa Ee Mohamed Salah Looga Diwaan Galiyay Kulankii Crystal Palace.
 

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa halkiisa ka sii wata in uu magiciisa ku diwaan galiyo buugaagta taariikhda Reds kadib markii uu laba gool oo muhiimad wayn u lahaa kooxdiisa uu ka dhaliyay kulankii Crystal Palace.

Mohamed Salah ayaa xidigii Liverpool ciyaartii Crystal Palace dib ugu soo celiyay isaga oo dhaliyay goolkii barbaraha laakiin markale Salah ayaa gool labaad ka dhalyay Eagles kulankii todobada gool layska dhaliyay ee ay Reds imtixaanka halista ahaa kaga badbaaday.

Mohamed Salah ayaa rekoodho cajiib ah looga diwaan galiyay kulankii ay kooxdiisa Liverpool guusha soo laabashada ah ka gaadhay Crystal Palace iyada oo xidiga reer Masar uu muhiimad wayn u leeyahay kooxdiisa Reds.

Ugu horayn Mohamed Salah ayaa loo diwaan galiyay in uu noqday xidigii afraad oo kaliya ee taariikhda Premier League ugu deg dega badnaa ee gaadhay goolasha nus qarniga ah ee 50 ka gool isaga oo 72 kulan ku gaadhay rekoodhkan.

Saddex xidig oo kaliya ayaa 50 ka gool ee Premier league ka hor gaadhay Mohamed Salah waxayna kala ahaayeen Andy Cole oo 65 kulan ku gaadhay goolashiisii nus qaraniga Premier league waxanaa xidiga labaad ahaa halayyga gool dhalinta abid ee PL haysta ee Alan Shearer oo 68 kulan ku gaadhay 50 kiisii gool ee Premier league ugu horeeyay, waxaana xidiga saddexaad ahaa Ruud Van Nistelrooy oo isna 68 kulan ku gaadhay 50 kiisii gool ee Premier league ugu horeeyay.

Sidaa daraadeed, Mohamed Salah ayaa noqday xidigii afraad oo kalya ee 50 kiisii gool ee Premier league sida ugu deg dega badan ku gaadhay isaga oo 72 kulan oo Premier league ka soo ciyaaray goolashan ku gaadhay wuxuuna magiciisa ku qoray liiskan kooban ee waqtiga hore Premier league ka soo ciyaaray.

Dhinaca kale Mohamed Salah ayaa noqday xidigii ugu horeeyay ee xili ciyaareedkan dhaliyay 15 gool oo Premier league ah balse tan iyo markii uu Liverpool ku soo biiray, Salah ayaa ku soo lug yeeshay 64 gool oo Premier league ah.

laga soo bilaabo August 2017, Mohamed Salah ayaa Liverpool u soo dhaliyay 47 gool isla markaana waxa uu ku soo lug yeeshay 17 gool caawineed waana in ka badan 14 gool oo uu dheer yahay ciyaartoy kasta oo Premier league ka soo ciyaaray muddadii uu Liverpool joogay.

Si kastaba ha ahaatee, Mohamed Salah ayaa labada gool ee uu ka dhaliyay kulankii Crystal Palace, waxay kooxdiisa ka caawiyeen in ay 7 dhibcood sare uga sii baxday Man City iyada oo waliba James Milner uu kaadhka cas qaatay kulankii Anfield.