Hargeisa:-Shacabka Oo U Dheg Taagaya Muddo Kordhinta Golaha Guurtida Ee Wakiilada Iyo Su'aalaha La Iska Weydiinayo.

0
Sunday January 20, 2019 - 13:51:42 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Shacabka Oo U Dheg Taagaya Muddo Kordhinta Golaha Guurtida Ee Wakiilada Iyo Su'aalaha La Iska Weydiinayo.

    Hargeisa:-Shacabka Oo U Dheg Taagaya Muddo Kordhinta Golaha Guurtida Ee Wakiilada Iyo Su'aalaha La Iska Weydiinayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Shacabka Oo U Dheg Taagaya Muddo Kordhinta Golaha Guurtida Ee Wakiilada Iyo Su'aalaha La Iska Weydiinayo.

Shacabka ayaa si weyn u sugaya nooca ay noqon doonto muddo kordhinta ay golaha guurtidu u samayn doonaan golaha wakiilada iyo wakhtiga ay ku salayn doonaan.

Guddigii ay golaha guurtidu u saareen inay ka soo tallo bixiyaan muddo kordhinta loo samayn karo golaha wakiilada iyo weliba wakhtiga ugu haboon ee ay doorashada golaha wakiiladu dhici karto, ayaa la filayaa inay maanta soo gunaanadaan tallo ururintooda.

Guddiga ayaa sida ay Geeska Afrika u sheegeen ilo xogogaal ahi, waxa ay ku dhex jiraan dood iyo tallo urursi dhexdooda ah, ka dib markii ay dhagaysteen dhinacyadii ay doorashadu khusaysay ee saddexda xisbi iyo guddiga doorashooyinka qaranka.

KULMIYE iyo UCID ayaa iyagu guddiga golaha guurtida ah waxay u bandhigeen inay muddo kordhintooda waafajiyaan is afgaradka ay labada xisbi ka gaadheen qabsoomida doorashada oo ah in doorashadu qabsoonto dabayaaqadda sannadkan 2019. Labada xisbi ayaa ku doodaya inay danta Somaliland ku jirto inaanay doorashada wakiiladu dhaafin sannadkan 2019.

Xisbiga Waddani, ayaa isna la sheegay inuu aaminsanyahay inay doorasho qabsoomi karto marka la kala diro guddiga doorashooyinka. Guddiga doorashooyinka oo aan iyagu wax xidhiidh iyo wada shaqayn ah la lahayn xisbiga Waddani, ayuu wakhtigoodu ku eegyahay dabayaaqadda sannadka 2019.

Muddo kordhintn la filayo in loo sameeyo golaha wakiilada Somaliland, ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo uu lumay xidhiidhka iyo wada shaqaynta xisbiyada dhexdooda iyo weliba xidhiidhka iyo wada shaqaynta guddiga doorashooyinka iyo xisbiga ugu balaadhan mucaaradka ee Waddani.

Si kastaba ha ahaate muddo kordhinta golaha guurtida oo loo wada dheg taagayo ayaa waxa la isweydiinayaa inay ku salayn doonaan heshiiska labada xisbi ee UCID iyo KULMIYE ee ah in doorashadu qabsoonto dabayaaqadda 2019 iyo inay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan heshiiska UCID iyo KULMIYE oo ay sameeyaan muddo kordhin ka baxsan sannadka 2019.