Dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo Koonfur Africa lagu boobay

0
Thursday January 31, 2019 - 14:43:25 in by salman abdi
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo Koonfur Africa lagu boobay

    Dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo Koonfur Africa lagu boobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dukaamo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo Koonfur Africa lagu boobay

Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika waxay sheegayaan in dukaamo ay soomaalida ku leeday dalkaasi la boobay.

 

 

 

Mid ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dukaamadooda la boobay oo lagu magacaabo Cabdi Mahad Bilow Kunow ayaa sheegay in ilaa toddobo dukaan oo ay Soomaali leeyihiin la dhacay iyadoo ay baxsadeen kooxihii weerarka ku soo qaaday.

 

"Afar qof ayaan ku joognay..markii aan aragnay in ay yihiin ilaa kontomeeyo oo aan waxbo ka qaban karin,waan iskaaga cararnay. meel duur ayaan gaarnay ilaa labo saacadood ayay dukaanka dhex cayeen" ayuu yiri Cabdi Mahad.

Goobaha ganacsiga la boobay waxay ku yaallern deegaan ka tirsan gobolka Limpopo Limpopo ee dalka Koonfur Afrika,waxaa uu intaasi ku daray in marki dambe ay booliska usoo gurmadeen si noloshooda loo badbaadiyo.

Dadka deegaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka cabanayay biyo iyo koronto la'aan ka jirto deegaanka,Cabdi Mahad ayaa sidoo kale in weerarka lagu soo qaaday Soomaalida ay ku dhaawacmeen labo qof.

Koonfur Africa waxaa ka jirta dhibaato weyn oo ay la kulmaan inta badan ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, kuwaa oo inta la dilo waliba la qaato wixii hanti ah oo ay lahaayeen, ilaa iyo haddana ma muuqato tallaabo ay dowladda arintan ka qaaday.