Hargaysa:-"Hadraawi Hargaysa Bilbaa Lagu Hayay Madaxweyne Muuse Biixina Isma Dultaagin"Maxamed Baashe Xaji Xasan

0
Saturday February 02, 2019 - 09:31:11 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Hadraawi Hargaysa Bilbaa Lagu Hayay Madaxweyne Muuse Biixina Isma Dultaagin"Maxamed Baashe Xaji Xasan

    "Hadraawi Hargaysa Bilbaa Lagu Hayay Madaxweyne Muuse Biixina Isma Dultaagin"Maxamed Baashe Xaji Xasan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadraawi Hargaysa Bilbaa Lagu Hayay Madaxweyne Muuse Biixina Isma Dultaagin"Maxamed Baashe Xaji Xasan

Hadraawi bil baa Hargeysa lagu hayey. Waa ay mudnayd in madaxweyne Muuse Biixi is dul taago oo soo salaamo, xaaladdiisana soo eego. Ma ay dhicin baa la yidhi oo maantaa Burco lagu celiyey.

Nin Cali-orgi la odhan jirey oo gaadhi wadan jirey ayaa dadkii uu la noolaa iyo arladii ku xumaadeen. Cali wuu gabyi jirayoo inta uu baabuurkii eegay oo ku halqasaday saaxiibkii isna baabuur kiisa oo kale ah ayuu yidhi:

Anigiyo Ardaa-geel dan baa Eyl na qabadsiin.

Dharaarihii adkaa iyo halgankii intaas kaga quuso. Bir-ma-geydada marka la xushmeeyo taariikhdaa la xaqdhawray. Marka la hagradana taariikhdaa la quudhsaday.

Maanta haddii ay tiisa noqon lahayd halka biddiisu taallo iyo xabaashiisaa la is kor tubi lahaa oo maydka amaan lagu galgaali lahaa.

Kol haddaanad geerida horteed geesiga aqoonnin
Goblan weeeye Soomaaliyeey garashadaadii!

Cali Sugulle ayaa ka dul yidhi aaskii Muuse Galaal oo Maxamed Siyaad Barre oo aan bukaankii maalinna ku booqan ka dul khudbadaynayo.

Hadraawi inta SNM ka nool isagaa ugu weyn. Waa ka mid mudanta ummadda, waa aanay ahayd in madaxweynuhu haddii uu safarkiisa bariga markii uu Burco marayey haleeli waayey in uu odayga soo eego, markii Hargeysa la keenay, Alle hortii, in uu arkaa bay ahayd maalin keli ah daqiiqado ka mid ah bishii uu degganaa Star Group duleedkeeda, Calaamadaha oo aan waxba ka fogayn madaxtooyada. Waa 45 daqiiqo oo lug ah ama 10 daqiiqo oo baabuur ah.

Wax la yidhi waa maxay sooryo waayeeloo, waxa la yidhi, "waa ixtiraam”. Shillimo faro guud ah iyo nooli waxa ka wanaagsanaa booqasho iyo is dul taag ah ” waar iska warran waa madaxweynihiiye”, intaasi Hadrwaawi waa ay dhaafi lahayd oo han kale ayay doojin lahayd. Alle se ma garansiin.