Hargaysa:Ujeedada Kulan Qarsoodi Ah Oo Madaxweyne Biixi La Yeeshay Qaarka mida Abwaannada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helay Ujeedadiisa

0
Sunday February 03, 2019 - 12:24:47 in by salman abdi
  • Visits: 334
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:Ujeedada Kulan Qarsoodi Ah Oo Madaxweyne Biixi La Yeeshay Qaarka mida Abwaannada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helay Ujeedadiisa

    Hargaysa:Ujeedada Kulan Qarsoodi Ah Oo Madaxweyne Biixi La Yeeshay Qaarka mida Abwaannada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helay Ujeedadiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:Ujeedada Kulan Qarsoodi Ah Oo Madaxweyne Biixi La Yeeshay Qaarka mida Abwaannada Somaliland Iyo Xogaha Laga Helay Ujeedadiisa

Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay in uu qasriga madaxtooyada kulan qarsoodi ah kula yeeshay xubno ka tirsan Hal-abuurka Somaliland oo ka kala yimid gobollada dalka qaarkood.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay ama laga soo saaray ujeeddada kulankaas la sheegay inuu Madaxweyne Biixi la yeeshay qaar ka mid ah Abwaannada Somaliland. Hase-yeeshee, warar xog-ogaal ah oo si dhaw ula socday kulankaas oo Warbaahintu heshay ayaa tibaaxay in uu dhawaan ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, kaasoo looga dan lahaa sidii xukuumaddu u damin lahayd dhaqdhaqaaqa iyo kacdoonka suugaaneed ee laga dareemayo Bahda Hal-abuurka Somaliland oo muddooyinkii u danbeeyay dareenka bulshada ku soo bandhigayey suugaan, balse ay Xukuumaddu xoog u dhibsatay.

Wararka dheeraadka ah ee warbaahintu ka heshay kulankaas, ayaa intaa ku daray; in lagaga waddahadlay sidii loo joojin lahaa dareenka Hal-abuurka, qaabka nooc toogan loogu beddeli karo, sugaanta taban iyo dhaqdhaqaaqa Abwaannada ee ay Xukuumaddu dhibsatay.

Intaas waxay ila-wareedyadu ku sii ladheen, in sidoo kale la isla soo qaaday intii kulanku socday inay xukuumaddu si kasta oo ay damin karto kacdoonka Abwaannada ay diyaar u tahay, isla markaana ay bilawday abaabul xooggan oo Hal-abuurradii suugantan bilaabay qaarkood loogu adeegsan lahaa in lagula xaalo hab qabiil, iyadoo qaarkoodna la sheegay in loo diray wasiirro ay isku beel yihiin iyo xubno kale oo xilal ka haya xukumadda.

Dhanka kale, kulan ayaa la sheegay in Abwaannada uu Madaxwaynuhu kaga dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii Abwaannadii tiriyay gabayada ay xadhiggooda dhinac ugala soo jeestaan oo ay xubnaha kulanka ka qaybgalay iyo cidda ay meteli karaanba, xukuumadda ku taageeraan sida ay dembiileyaasha ugu aragto abwaannada qaabka wax u socdaan saluugay ee uu ka midka yahay Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo weli u xidhan maanso uu kaga hadlay cadaalad-darro uu tilmaamay inay Saldhigyada Booliska ka jirto.

Si cad looma shaacin tirada xubnaha Abwaannada xilligan ka midka ah ee Madaxxweynaha la kulmay intooda badan, balse qaarkood magacyadooda iyo gobollada amma kooxaha ay metelayeen la xaqiijiyey, balse aannu ku dedaalayno inaannu dhammaan xubnahaas magacyadooda, kooxaha iyo gobollada ay ka kala socdeen-ba waxaannu idiinku soo gudbin doonnaa sida ugu suuragalsan.

Waxaa muddooyinkii u danbeeyay Somaliland ka taagaan bahda Hal-abuurka dalka oo maansooyin iyo gabayo kusoo bandhigayey dareenka shacabka Somaliland iyo xaqiiqooyinka ka jira saldhigyada iyo xarumaha dawladda. Waxa kale oo ay gabayada iyo maansooyinka kala duwan ku tilmaamayeen Hal-abuurka iyo qorayaasha qaarkood, sinnaan la’aan, cadaaladdii oo la suuliyey, dadka oo la kala qaybinayo iyo ku dhaqanka qabiilka oo cirka isku shareeray, sida qaarkood suugaantooda ku sawireen iyo sida aan loogu fadhiyin in wakhtigan Somaliland sawir noocaas ah yeelato iyo gebi ahaanba dhacdooyin quruxdii qaranka wiiqaya oo bulshada reer Somaliland aad u saluugsan yihiin, dowladda ay maaraynta dhacdooyiyinkaas uga fadhidayna hoggaaminteedi sidaasba noqotay.

Ka hadalka dareenka bulshada iyo sheegista xaaladaha rasmiga ee ka jira dalka, ayaa waxa illaa haatan u xidhan Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo bilawga bishii hore soo bandhigay suugaan uu arrimaasi kaga hadlayo, balse ay xukumadda Madaxwayne Muuse Biixi xabsiga u taxaabtay, iyadoo weli kiiska ay xukuumaddu ku eedaynayso la gudo-gelin, isla markaana uu rummaan ahaan ugu jiro jeelka wayn ee magaalada Hagaysa.

Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan la sheegay in Madaxweyne Biixi kula kulmay Abwaannada dalka qaarkood iyo waxyaabaha lagaga hadlay, ayaa u muuqda qorshe xukuumaddu ku damacsan tahay inay ku kala qaybiso Hal-abuurka Somaliland ee xaqiiqada ka hadalkeeda iyo suugaan-ku-cabbirka xaaladaha jira badi isu bahaystay, sidii aanay saamayn ugu yeelan dareenka Shacabka niyad-jabsan. Hayesshee, haddii ay sidaas u dhacdo, ayey mar kale muujinaysaa, marag iyo markhaatina u noqonaysaa tallaabadaas Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu isla arrimaha ay Abwaannada qaar ka hadlayaan oo kala qaybintu ka mid tahay. Iyadoo damacsan in ay adeegsado dhaqaale wallow uu yahay lacagta la doonayo in lagu kala fur furaan cashuurtii danyarta laga soo ururiyay ee u baahnayd in wax loogu qabto.

Haddaba, Dadka siyaasadda Madaxwaynayaasha Somaliland u kala danbeeyay, gaar ahaan Axmed-Siilaanyo iyo Muuse Biixi sida fiican u yaqaannaa ay sheegeen in qorshahan ay bilaabeen uu yahay midka keliya ee ay takhakhuska u leeyihiin tahay kala qaybinta bulshada iyo hadba kala jabinta kooxda ay u arkaan in ay isku aragti yihiin, taasoo ay illaa bilowgii halganka iyo wakgtiyadii qaaxo Khabiirro ku ahaayeen, sida ay falanqeeyayaasha aqoonta durugsan u lihi ku doodayaan.

Hase-yeeshee, waxaas waxa uga wanaagsan oo faalladu soo jeedinaysaa inay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisu la yimaaddaan hoggaamin wanaagsan iyo himilo toosan oo ay ku hantaan quluubta bulshada ay hoggaamiyaan.

2 inay Xukuumaddu abuurto nidaam lagu saxayo waxa qalloocan ee laga qaylinayo.

3 inay keento xalka xaaladaha qallafsan ee lagu jiro dhinac kasta oo ay tahay lagaga bixi karo, kuna abuuri karto rejo iyo inay soo ceshato kalsoonida badi bulshada sicir-bararka, adeeg-xumada, busaaradda, shaqo-yaraanta iyo kala qaybsanaantu barriinsatay.

Marka ay arimahaasi aynu kor kusoo sheegaynay xalkooda sugto Xukuumaddu, ayey iyaduna hore u socon kartaa, haddii kale xaalku wuxuu ku dambayn karaa, isku mashquul qaranka dhaawac gaadhsiin kara, Illaahay innaguma kee