Turkiga:-Wadanka Tukiga Oo Loo Digay Iyo Cida U Digtay

0
Monday February 04, 2019 - 09:52:16 in by salman abdi
  • Visits: 382
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga:-Wadanka Tukiga Oo Loo Digay Iyo Cida U Digtay

    Turkiga:-Wadanka Tukiga Oo Loo Digay Iyo Cida U Digtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga:-Wadanka Tukiga Oo Loo Digay Iyo Cida U Digtay

Dowladda Turkiga ayaa wajahaysa cadaadis horleh oo ah inay joojiso dahabka ay ka iibsanayso dalka Venezuela, BBC-da ayaa sidaasi ogaatay.

Ilo wareed ah diblomaasi sare oo reer Galbeed ah ayaa BBC-da u sheegay in Turkiga uu ka mid yahay dalalka walaaca laga qabo in xiriir ganacsi la sameyaan Venezuela.

Waxaa uu intaasi ku daray in uu jiro shaki ballaaran oo ah in dahabka loo dhoofinayo Turkiga uu si toos ah u aadayo dalka Iiraan arrintaas oo ku xadgudbaysa cunaqabataynta Mareykanka.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero buuxda u fidiyay Madaxweyne Nicolás Maduro, kaas oo wajahaya xiisad siyaasadeed oo sii kordhaysa.

Ganacsiga dahabka ee Venezuela iyo Turkiga ayaa sare uu sii kacaya. Sanadkii lasoo dhafay oo keli ah dalkan ku yaala Laatiin Ameerika ayaa Turkiga u dhoofiyay dahab lagu qiyaasay ilaa $900m oo doolar.

Saraakiisha dowladda Mareykanka ayaa mar sii horeeysay ka dhigay in qaar ka mid dahabka la sii marsiinayo Turkiga si uu u gaaro dalka Iiraan, arrintaas oo ka hor imaaneysa cunaqabataynta Mareykanka uu saaray dalkaasi Iiraan.

BBC-da ayaa loo sheegay in xukuumadda Ankara looga dhigay caqabadaha ka dhalan kara in la jebiyo xannibaadaha lasoo rogay.

Maalinkii Jimcaha, Senator Marco Rubio, oo ka tirsan guddiga xiriirka dibedda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa uga digay dalalka Turkiga iyo Isutagga Imaaraadka Carabta inaysan wax kaalin ah ku yeelan dahabka sida sherci darradda ah looga soo dhoofinayo dalka Venezuela.

Diyaaradaha sida gaarka loo leeyahay ee Ruushka iyo Turkiga ayaa maalmihii lasoo dhafay u safrayay caasimadda Venezuela ee Caracas, xukuumadda Ankara ayaa ku adkeysanaysa in ganacsigeeda uu yahay mid waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Mid ka mid ah diyaaradaha la arkay ee u safrayay Caracas, ayaa waxaa leh shirkadda Ciner group, oo ah shirkad weyn oo qoda macdanta oo xiriir dhaw la leh Madaxweyne Erdogan.