Duba:-Nin Lagu Xidhay Isaga Oo Ku Labsisan Garanka Kubada Cagta Ay Ku Ciyaraan Wadan

0
Wednesday February 06, 2019 - 08:05:55 in by salman abdi
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duba:-Nin Lagu Xidhay Isaga Oo Ku Labsisan Garanka Kubada Cagta Ay Ku Ciyaraan Wadan

    Nin Lagu Xidhay Isaga Oo Ku Labsisan Garanka Kubada Cagta Ay Ku Ciyaraan Wadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin Lagu Xidhay Isaga Oo Ku Labsisan Garanka Kubada Cagta Ay Ku Ciyaraan Wadan

Nin u dhashay dalka Britain ayaa lagu xiray dalka Imaaratka Carabta kaddib markii la weeraray isaga oo xiran Funaanadda ay ku cayaraan xulka kubadda cagta dalka Qadar xillli ay socotay cayaar.

Cali Ciise Axmed oo 26 jir ah oo kasoo jeedo magalaada Wolverhampton ayaa lagu soo warramaya in uusan ka war heyn 'sharciga dalka Imaaraatka ee ka dhanka ah dadka tageera Qadar xilli xiisad diblumaasiyadeed ee ka dhex taagan tahay labada dal.

Saaxibada ninkan waxay sheegeen in booliska ay qabteen markii uu ku wargeliyay inay weerareen kooxo ka careysneyd Funaanadda xulka kubadda cagta Qadar oo uu xirnaa..

Dhanka kale, safaaradda Imraatka Carabta uu ku leeyahay Ingriiska ayaa sheegtay in Cali Axmed loo heysto sameynta dokomentiyo been abuur ah iyo inuu wakhtiga ka lumiyay booliska.

Saraakiisha Imraatka waxay horraan sheegeen in ninkan aanan loo xirin Funaanadda xulka Qadar.

Xafiiska arrimaha dibadda UK waxaa uu sheegay inay la xiriirayaan saraakiisha Imaaraatka si loo soo daayo ninkan heysta dhalashada Ingiriiska.


Qaar kamid ah dalalka carabta oo uu kamid yahay Imraatka Carabta iyo Qadar ayaa hadda waxaa ka dhex taagan khilaaf siyaasadeed iyo mid diblumaasiyadeed kaddib markii Qadar ay ku eedeeyeen inay taageerto kooxaha argagixisada ee gobolka.

'Wuxuu jeclaa kubadda'

Axmed ayaa booqasho ku joogay dalka Imaaraatka Carabta, waxaa xabsiga la dhiga markii uu daawaday cayaar dhexmareysay xulka Qadar iyo Ciraaq, waxay ku beegneyd 22-kii bishii January markaas oo ciyaarta ka socotay magaalada Abu Dhabi.

Lokie oo ah saaxibka ninka la xiray ayaa BBC u sheegay 'In markii ay cayaarta dhamaatay ay tiro dad ah soo weerareen'.

Waxaa uu sheegay in Axmed uu xirnaa funaanadda xulka kubadda cagta Qadar halka mid kalena uu gacanta ku sitay.

"Waxay ka siibeen funaanaddii uu xirnaa, waxaa uu u markii dambe gaaray saldhigga booliska, halkaas ayaa lagu xiray" ayuu yiri Lokie.

Qadar 3-1 ayay kaga badisay JapanLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionQadar 3-1 ayay kaga badisay Japan

"Waxaa uu ahaa nin kubadda cagta jecel, ma fileyn in dhibaata intaas la eg uu kala kulmi karo inuu xirto funaanad ama inuu tageero koox gaar ah" ayuu yiri saaxibkiisa.

'Hadalka safaaradda'

Saafarrada Imaaraatka ee London ayaa horraan ka gaabsatay inay ka hadasho xiritaanka ninka isla markaasna ay jiraan eedeymo dhanka xuquuqda aadanaha oo ay baarayaan.

Saraakiisha Imaaraatka waxay sheegeen in Axmed uu heysto dhalashada dalalka Ingiriiska iyo Suudaan.

Waxay intaas ku dareen in Axmed uu ku wargeliyay booliska markii ay jirddil ay u geysteen tageerayaal kubadda cagta ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Axmed uu wakhtiga ka lumiyay booliska iyo inuu ku gudo jiray sameynta dokumentiyo been abuur ah balse hadda la horkeeni doono maxkamadaha Imaaraatka Carabta.

Qadar ayaa ciyaartii nus dhammaadka ka badisay xulka Imaaraatka.

Qadar ayaa ku guulesatay koobka qaaradda Aasiya, 3-1 ayay kaga badisay xulka Japan.