Somalia:-Qaramada Midoobay Oo Dhawaan Wakiil Soomaliya Usoo Magacabaysa Iyo Xidhiidhka Labada Dhinac Ee Wakhtigan.

0
Wednesday February 06, 2019 - 08:09:45 in by salman abdi
  • Visits: 345
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalia:-Qaramada Midoobay Oo Dhawaan Wakiil Soomaliya Usoo Magacabaysa Iyo Xidhiidhka Labada Dhinac Ee Wakhtigan.

    Qaramada Midoobay Oo Dhawaan Wakiil Soomaliya Usoo Magacabaysa Iyo Xidhiidhka Labada Dhinac Ee Wakhtigan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaramada Midoobay Oo Dhawaan Wakiil Soomaliya Usoo Magacabaysa Iyo Xidhiidhka Labada Dhinac Ee Wakhtigan.

Dowladda Soomaaliya ayaa 01dii bishii Janaayo ee sanadkan u sheegtay wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Michael Haysom in uu isaga baxo dalka, kaddib markii lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay Qarannimada iyo madax-bannaanida guud ee Soomaaliya.

 

 

Xog-hayaha guud ee Qaramada MidoobeyAntonio Guterresoo ay VOA la hadashay ayaa isaga oo ka jawaabayay xiriirka waqtigan u dhaxeeya Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, ayaa sheegay in dhawaan uu halkaa u diray sida uu hadalka u dhigay ku-xigeenkiisa arimaha siyaasada oo kulamo kala duwan la qaadatay mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka Soomaaliya sida madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha.

 

‘’Maalmo kooban ayeey joogeen Muqdisho wafdiga ka socday Qaramada Midoobey, waxaa dhacay wada hadallo dhax-gal ah oo arrimo badan leyskula eegay, dhawaan ayaanan magacaabi doonnaa wakiilka cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya’’ ayuu yiri Antonio Guterres

Wuxuu sheegay in wakiilka cusub uu baal bog cusub u furi doono xiriirka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey, isaga oo intaa ku daray in waxa kaliya oo ay doonayaan tahay Soomaaliya oo ka taqlustay dhibaatooyinka iyo xaaladaha adag oo ay la tacaaleyso.

‘’Waxaa jira hormarro badan oo ay Soomaaliya ku talaabsatay, waxaana ka tilmaami karnaa xaaladaha dhinaca dhaqaalaha, hormar wanaagsan ayaa dhankaa laga sameeyay, waxaanan rajeynayaa in ay tani xaliso mashkaladaha ka taagan dhinaca deynta’’ ayuu yiri xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey.

Hadalka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa imanaya xili dhawaan magaalada Muqdisho socdaal ku soo gaareen wafdi heer sare ah oo ka socda xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey oo kulamo la qaatay madaxda ugu sareysa dalka.