Hargaysa:-Hafayeenka Cusub Ee Xisbiga Wadani Maxu Kaga Jawaab Ceeliyay Xilka Loo Magaacabay.

0
Wednesday February 06, 2019 - 13:50:54 in by salman abdi
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Hafayeenka Cusub Ee Xisbiga Wadani Maxu Kaga Jawaab Ceeliyay Xilka Loo Magaacabay.

    Hafayeenka Cusub Ee Xisbiga Wadani Maxu Kaga Jawaab Ceeliyay Xilka Loo Magaacabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hafayeenka Cusub Ee Xisbiga Wadani Maxu Kaga Jawaab Ceeliyay Xilka Loo Magaacabay.

Af-hayeenka cusub ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee shalay uu magacaabay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) Barkhad Jaamac Batuun ayaa ka hadlay sida uu u arko xilka cusub ee xisbiga Waddani umagacaabay.


Marka koowaad waxaan u mahadcinayaa Illaahay, marka labaadna hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo Guddoomiyaha Xisbiga Oo ii gartay in aan noqdo Af-hayeenka WADDANI. Waxaan mahadcelin milge, maamuus iyo miisaan le u dirayaa guud ahaan reer Somaliland gude iyo dibad inta jecel quruxda Somaliland ee isoo dhawaysay inna soo hambalyaysay, walalayaal fariimihiinna tirabeelka ahaa ee hambalyada ahaa way i soo gaadheen waanan idinka mahacelinaya. Waxaad ii muujiseen lexejeclo, xilweynbaan qaaday Oo runti ah mid duco u baahan ducadiina iyo dardaarankiinna Alle haygu ilhaansho.Afhayeen Barkhad ayaa qoraal uu ku qoray Barta uu ku leeyahay Facebook ku sheegay in xilku uu culusyahay, sidoo kalana waxa uu qoraalkaasi ugu mahadceliyay dadkii ku hambalyeeyay xilka loo magacaabay, waxaanu qoraalka Afhayeenku uqornaa sidan:-

 

Waxaan u arkaa xilka lay dhiibay Imtaxaan Alle swc igu eegayo Shayga Mas'uuliyadda la idhaahdana waa shay culeyskiisa iyo caqabadiisa leh runti! Xildhankani wuxu yahay guul dhallinyaradda Somaliland Sawirka Siyaasadda ku xariiqday, halkaa iyo heer ka sarreeyaba dhallintu way mudantahay. Waxaan xoojin doonaa, xaq u dirirnimada, raacdada caddaalada, halganka midnimada, midaynta qaranka iyo soo bandhiga baylaahaa tirabeelka ah ee qaranka hor yaal. Xilku waa hal-xidhaale waxaanse ballanqaadayaa in aan dadaal iyo dardar ku gudan doono hawlaha Xisbiga. waxan ugu dambeynti si weyn ugu mahadcelinaya Af-hayeenki iga horreeyey xilkan Mudane: Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba Oo ahaa Aasaasayaashi xisbiga Tacab badan galiyey si sharaflehna igu soo dhaweeyey xilkan mustaqbal wacan iyo maamulka dalka oo aynu hagaajina ino ballan ah wallaal.

Dhammaantiin waxaan idiin hayaa abaal, ogaal iyo ammaan.

Af-hayeenka Xisbiga Waddani Garyaqaan Barkhad Jamac Batun