Hargaysa:-Gudoomiye Cirro Sidee Ayuu U Arkaa Dhismaha Madaxtooyada Cusub, Muranka Saami Qaybsiga Iyo Xadhiga Muwaadiniinta?

0
Thursday February 07, 2019 - 13:39:35 in by salman abdi
  • Visits: 414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Gudoomiye Cirro Sidee Ayuu U Arkaa Dhismaha Madaxtooyada Cusub, Muranka Saami Qaybsiga Iyo Xadhiga Muwaadiniinta?

    Gudoomiye Cirro Sidee Ayuu U Arkaa Dhismaha Madaxtooyada Cusub, Muranka Saami Qaybsiga Iyo Xadhiga Muwaadiniinta?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiye Cirro Sidee Ayuu U Arkaa Dhismaha Madaxtooyada Cusub, Muranka Saami Qaybsiga Iyo Xadhiga Muwaadiniinta?

-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa soo bandhigay mawqifkiisa ku aaddan cidda xallinaysa muranka kuraasta Wakiillada, xadhigga muwaadiniinta, madaxtooyada la dhisayo iyo isbedelka xisbigiisa Waddani. Dr Cirro waxa uu sheegay in aanay Somaliland baahi u qabin madaxtooyo cusub iyada xukuumaddu sheegayso in 1.5 Milyan qof macaluul halis ugu jirto.


Dr Cirro oo waraysi siiyay telefishanka Saab ayaa ugu horayn ka hadlay Madaxtooyada cusub ee laga dhisayo Galbeedka Hargeysa "Horta wax walba mudnaan bay kala leeyihiin, xukuumadda Muuse Biixi dhawr cisho ka hor waxay tidhi ‘Milyan iyo badh baa shacbigii gaajo u dhimanaya’ waxa la soo sheegaya daymo xukuumaddu markii hore qarinaysay oo shalay la sheegay oo fara badan fara badan waxaas oo dhan iyada oo ay shacbiga haystaan oo dayntaasi ku maqan tahay la qarsanayay, iyada oo la leeyahay shacbigii milyan iyo badh baa gaajo u dhimanaya mudnaan uma aha Somaliland in ay guri cusub oo qasri madaxtooyo ah dhisato oo ay ku bixiso lacag fara badan oo aan la garanayn tiradeeda, arrintaasi uma arko in ay mudnaan tahay anagu haddii aanu iman lahayna mudnaan nooma ahaateen oo waxa ka horaynaya adeegyada iyo arrimaha kale ee Qaranka ka qabyada ah,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

 

Dr Cirro waxa uu sheegay in sida bulshada Somaliland loogu qaybinayo kuraasta wakiilladu tahay mid madaxweyne Biixi u taalla "Kulankii ay yeesheen axsaabtu bishii September anaga rayigayagu waxa uu ahaa maaddaama dadku ku muransan yahay gobollada iyo tirada shacbiga oo aan tiro koobna laga qaadin 30-kii sanno ee Somaliland jirtay in tira koob la qaado dabeedna tiro koobka lagu saleeyo waa taladii xisbigu soo jeediyay laakiin, taasi waxay u baahan tahay wakhti iyo lacag, doorashadii 2005-na waxa lagu qaybiyay 33-kii kursi ee Ingiriisku inooga tagay oo lagu dhuftay 2.5 runtii dhinac marka laga eegana si isku mid ah baa loogu qaybiyay oo cidna wax dheeraad ah lama siin oo xagga caddaalad bay ka ahayd laakiin, cabashada gobollada oo weliba Awdal ugu horayso iyo Sool ba in la tixgeliyo waxay ila tahay arrin mudan in ay tahay. Saddexda xisbi 2016 waxay ku heshiiyeen in saddexda guddoomiye xisbiga Muuse oo ahaa guddoomiyaha Kulmiye, aniga oo ahaa guddoomiyaha Waddani iyo Faysal oo ah guddoomiyaha UCID in aanay asxaabtu ku filnayn in ay arrintaas xalliyaan dabeedna Madaxweynaha ayaanu u qornay warqad aanu leenahay Madaxweynuhu ha xallilo go’aanka uu soo gaadhana saddexda xisbi way aqbalayaan Muuse ayaana maanta madaxweyne ah waraaqdaasina xafiiskiisa ayay taalla, waxaan qaba baarlamaankuna ma xallilo karo guurtina ma xallili karto maanta isaga ayay u taalla shalay Siilaanyo ayuu lahaa ha xallilo isaga madaxweyne ahe dee maantana isaga ayay u taalla isaga madaxweyne ahe,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo la waydiiyay sida uu u arko xadhigga xukuumadda madaxweyne Biixi kula kacday muwaadiniin kala duwan intii ay talada haysay waxaanu yidhi " Arrimahaasi waa gef. Qofka wax sharci ah uun baa lagu xidhi kara, muwaadinka xuquuqdiisa waxa xaqiijiyay dastuurka JSL, Saxaafadda dastuurka xaqiijiyay in ay madax bannaan yihiin, marka waa gefef dhacay oo ku tumasho xuquuqal iisaan iyo madax bannaanida saxaafaddaba gef lagu sameeyay weeye, waxyaabihii reer KULMIYE markii UDUB joogtay ku eedayn jireen bay ka mid tahay laakiin, waxaynu ka war qabna rikoodhkii ugu sareeyay ee saxafiyiin la xidho, joornaalo la xidho iyo cabudhinta shacabka maamul kasta oo soo maray ka KULMIYE ayaa kaga badan maanta.”

Dr Cabdiraxmaan Cirro waxa la waydiiyay in uu xisbigiisu gabay kaalintii mucaaradnimo waxaanu ku jawaabay " Maya, waxaan isleeyahay mucaaradadda sida uu u yaqaano KULMIYE iyo sida aanu u naqaano ayaa kala duwan, iyagu (Kulmiye) mucaaradaddooda bog qudhay ka barteen oo waxaanu doonayna mucaaradad tii Kulmiye ka duwan oo xukuumaddana loogu tilmaamayo khiladaadkeeda laakiin, aan ahayn dhengad baanu kaga soo saarayna in aanu la nimaadno.”

Ugu dambeyn waxa la waydiiyay waxa hor taaggan isbedel uu xilli hore sheegay in uu ku samayn doono xisbigiisa "Waanu ballanqaadnay waanu fulinayna hadda ayaanu bilawnay waanu wadna qolof ridkii xisbiga sidaas aanu u balanqaadnayna wuu soconaya waanu dhammaystirmaya Insha Allah,” ayuu yidhi Dr Cirro.