Dawlada Ingiriiska Oo Digniin U Dirtay Muwaadiniinteeda Ku Sugan Somaliland
Dawlada Ingiriiska ayaa mar kale soo saartay digniin ay u dirayso muwaadiniinteeda taas oo ka dhan ah somaliland.
Warka ka soo baxay waaxda arimaha dibada ee Ingiriiska ayaa lagu yidhi " xafiiska arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka (FCO) waa in aan gabi ahaanba loo socdaalin Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera,” sidaas ayaa lagu yidhi talada oo intii sanadkanWar ka soo baxay waaxda arimaha dibada ee dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay inaanay muwaadiniinta UK u socdaali Karin somaliland marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay sheegeen in loo tagi karo arimaha muhiimka ah.
cusub ee 2019 laba jeer la cusboonaysiiyay. Warka ka soo baxay waaxda arimaha dibada ee Ingiriiska ayaa intaas raaciyey "Muwaadin kasta oo Hargeysa ama Berbera jooga waa in uu feejignaanta ugu saraysa ku jiro kana taxadaro goobaha dadweynaha ee bulshadu isugu timaaddo, waa in uu la socda warbaahinta gudaha iyo ta caalamiga ah si uu uga fogaado mudaharaado ama rabshado dhaca,”
Digniinta ka soo baxday waaxda arimaha dibada ee Ingiriiska ayaanay jirin sabab la arki karo oo somaliland ka jirta, iyada oo maanta ay muwaadiniin ajaanib ahi ka qayb galeen tartanka dheer ee orodka kuwaas oo maalmihii u dambeeyeyna lagu arkayey goobaha ay shacabku ku kulmaan ee magaalada Hargeysa.
Dawlada Ingiriiska Oo Digniin U Dirtay Muwaadiniinteeda Ku Sugan Somaliland
Dawlada Ingiriiska Oo Digniin U Dirtay Muwaadiniinteeda Ku Sugan Somaliland