Wadahadalkii Somaliland Iyo Soomaliya Oo Dib Loo Furay +Wadanka Daba Ka Riixay Wadahadala.

0
Saturday February 09, 2019 - 07:41:40 in by salman abdi
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadahadalkii Somaliland Iyo Soomaliya Oo Dib Loo Furay +Wadanka Daba Ka Riixay Wadahadala.

    Wadahadalkii Somaliland Iyo Soomaliya Oo Dib Loo Furay +Wadanka Daba Ka Riixay Wadahadala.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadahadalkii Somaliland Iyo Soomaliya Oo Dib Loo Furay +Wadanka Daba Ka Riixay Wadahadala.
Dawladda Turkiga ayaa dardar gelisay dib u bilaabista wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana dalka ergayga gaarka ah ee uu Turkigu u magacaabay wada hadallada Hargeysa iyo Muqdisho Dr. Olgan Bekar.

Dr. Olgan, oo ahaa safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Somaliland Iyo Soomaaliya, ayaa iminka soo gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaanu kulan la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somaliya Axmed Cawad.

 

"Waxaanu quraac sharafeed wada yeelanay safiirka Turkiga ee Soomaliya Mehmet Yilmaz iyo ergayga uu Turkigu u magacaabay wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland Dr. Ogan Bekar. Turkigu wuxuu ahaa martigeliyaha iyo fududeeyaha wada hadalada ilaa markii si rasmi ah loo furay wadahadalada labada dhinac sannadkii 2012.” Sidaas waxa yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, waxaanu sheegay inay labadan diblomaasi ee Turkiga ah ka wada hadleen arrimahan oo ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan.

Geesta kale, warar xogogaala oo aanu helnay ayaa xaqiijiyay in ergaygan Dr. Olgan Bekar ee uu Turkigu u magacaabay wada hadaladu uu iminka ku sii jeedo caasimadda Somaliland ee Hargeysa si uu kulan ula yeesho Madaxweyne Biixi, waxaana la filayaa inay ka wada hadlaan dib u bilaabista wada hadalada.

Si kasta oo ay tahay : Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon ayaa toddobaadkii hore u sheegay inaanay Somaliland weli go’aan ka gaadhin damaca uu Turkigu ku doonayo in dib loo bilaabo wada hadaladaasi.