Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska oo toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho

0
Sunday February 10, 2019 - 15:20:53 in by salman abdi
  • Visits: 475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska oo toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho

    Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska oo toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliiska oo toogasho lagu dilay magaalada Muqdisho

Koox hubeysan ayaa goor dhaw toogasho ku dilay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Hodan sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in kooxda ka dambeysay dilkan ay saarnaayeen gaari yar iyagoo toogasho ku diley sarkaalka oo ku sugnaa goob ganacsi oo uu wax ka iibsanayay.

 

 

Sarkaalka la diley ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Canshuur waxaana uu ka mid ahaa ciidamada ka howlgala saldhigga Booliska degmada Hodon.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in kooxda geysatay dilka ay goobta ka baxsatay kahor inta aysan ciidamada Boolisku gaarin goobta uu dilka ka dhacay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha amaanka dowladda Soomaaliya oo la xiriira toogashadan ugu danbeysay ee ka dhacday magaalada Muqdisho.