Hargaysa:-"Xayiraada Wargeysa Foore Waa Quful Ka Mida Qufulada Digtaatooriyada" Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge Oo Ka Hadlay Xayiraadda Wargeyska Foore La Saaray

0
Monday February 11, 2019 - 09:42:25 in by salman abdi
  • Visits: 466
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-"Xayiraada Wargeysa Foore Waa Quful Ka Mida Qufulada Digtaatooriyada" Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge Oo Ka Hadlay Xayiraadda Wargeyska Foore La Saaray

    "Xayiraada Wargeysa Foore Waa Quful Ka Mida Qufulada Digtaatooriyada" Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge Oo Ka Hadlay Xayiraadda Wargeyska Foore La Saaray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xayiraada Wargeysa Foore Waa Quful Ka Mida Qufulada Digtaatooriyada" Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge Oo Ka Hadlay Xayiraadda Wargeyska Foore La Saaray

Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge oo ka mid ah Siyaasiyiinta Da’da yare, horena Xil Wasiir ku xigeen uga soo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa ka hadlay Weerarka Bahalnimadda ah ee lagu soo qaaday Wargeyska Foore.


Siyaasi Cabdikariin Axmed Mooge ayaa qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ayaa waxa uu ku yidhi sidan "Xayiraada wargeysa Foore waa quful ka mida qufulada digtaatooriyada! Faalo warreed uu wargeys qoray oo ku saabsan madaxtooyada cusub iyo duuruufaha nololeed ee shacabka Somaliland, in Xayiraad iyo ganaax uu ku mutaysto wargeysku waa wax lala yaabo!! Anaga lehe xilligeedi lama joogo oo wax la aqbali karo maaha in aad na tidhaahdaan hal milyan iyo badh reer Somaliland ah ayaa macaluulli haysaa ee aduunkow caawimo nala soo gaadha iyo waxaanu dhisanaynaa madaxtooyo ku kacaysa lacag malayiin ah, waa laba aan is’ qabanayn!!!


Waxa kale oo uu yidhi"Wadanka Pakistan Raysal Wasaaraha cusubi wuu ka guuray madaxtooyadii si uu kharashka badan ee madaxtooyada ku baxa shacabka wax loogu qabto! Adna adoo gajoonayaa ayaad doonaysaa in aad mid dhisato! Waa kala maanka aduunka!!”.