Deg Deg:-Magacyada Wasiiro Ka Tirsanaa Xukuumadii Hore Ee Kulmiye Oo Muqdisho Ka Degay.

0
Tuesday February 12, 2019 - 08:44:47 in by salman abdi
  • Visits: 390
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deg Deg:-Magacyada Wasiiro Ka Tirsanaa Xukuumadii Hore Ee Kulmiye Oo Muqdisho Ka Degay.

    Magacyada Wasiiro Ka Tirsanaa Xukuumadii Hore Ee Kulmiye Oo Muqdisho Ka Degay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magacyada Wasiiro Ka Tirsanaa Xukuumadii Hore Ee Kulmiye Oo Muqdisho Ka Degay.

Afar Wasiir Oo Xukuumaddii hore Ee Kulmiye ka tirsanaa ayaa shalay si kedis uga degay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya, halkaasi oo ay illaa Hadda ku sugan yihiin.

Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil, Wasiirul Dawlihii hore ee Wasaaradda Cadaaladda Somaliland ee xukuumaddii hore ee Kulmiye Khadar Axmed Diiriye, sidoo kalena Xilal Agaasime Guud ka soo qabtay Wasaaraddaha Cadaaladda iyo Waxbarashada, Wasiir ku Xigeenkii hore ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Axmed Keyse Guray iyo Masuul kale oo aanaan magaciisa helin, balse isna Xil Wasiir ku xigeen kasoo qabtay Xukuumaddii hore ee Kulmiye ayaa sida la xaqiijiyay ka degay Caasimadda Dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Waxa sidoo kale la socday sida lanoo xaqiijiyay Siyaasiyiin kale iyo aqoonyahano dhalinyaro ah.

 

Sidan waxa u xaqiijiyay Shabakadda mid ka mid ah masuuliyiintan Foore oo aanu khadka telefanka kula xidhiidhnay. Lama garanayo ujeeda safarka masuuliyiintani u tageen Dalka Soomaaliya, Waxaanay ku soo beegmaysaa wakhti ay aqoonyahankii iyo Siyaasiyiintii ugu badnaa ee dalka Somaliland ay ku sii qul qulayaan Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya si ay shaqo uga raadsaan. Tiro Afar kun oo qof kor dhaafaysa oo reer Somaliland ah ayaa mudooyinkan u dambeeyay ka degay Muqdisho sida lanoo sheegay.

Foore.