Itoobiya:-Heshiis Isfaham Oo Dhexmaray Fifa, Caf & Ururka Midawga Afrika Iyo Waxyaabaha Uu Ku Saabsan Yahay

0
Tuesday February 12, 2019 - 13:11:59 in by salman abdi
  • Visits: 549
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya:-Heshiis Isfaham Oo Dhexmaray Fifa, Caf & Ururka Midawga Afrika Iyo Waxyaabaha Uu Ku Saabsan Yahay

    Heshiis Isfaham Oo Dhexmaray Fifa, Caf & Ururka Midawga Afrika Iyo Waxyaabaha Uu Ku Saabsan Yahay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Heshiis Isfaham Oo Dhexmaray Fifa, Caf & Ururka Midawga Afrika Iyo Waxyaabaha Uu Ku Saabsan Yahay

Midawga Afrika ayaa heshiis isfaham ah la galay hay’adda ugu saraysa kubada cagta aduunka ee Fifa iyo ururka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF.


Heshiiskan oo ay saxeexeen gudoomiyaha komishanka midawga Afrika Moussa Faki Mahamat, madaxweynaha Fifa Gianni Infantino iyo madaxweynaha ururka kubada cagta qaarada Afrika Ahmed Ahmed kuwaas oo shirk u yeeshay magaalada Addis Ababa.Heshiiskan sadex geesoodka ah ayaa la doonayaa in lagu xoojiyo ciyaaraha qaarada Afrika ee horumarintoodana xaga hore lagaga daray qorshayaasha horumarinta Afrika ee la doonayo in la gaadho sanadka 20163.

Gudoomiyaha komishanka midawga Afrika Moussa Faki oo ka hadlay heshiiskan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay qayb ka noqdaan heshiiska Isfahan ee lagu horumarinayo ciyaaraha Afrika ee dhexmaray CAF iyo FIFA.

 

Sidoo kale waxa uu Moussa Faki sheegay in heshiiskan si gaar ah loogu horumarinayo kubada cagta iyada oo laysticmaalayo qorshayaal kala duwan oo ku jira shirka horumarka la doonayo in qaarada afrika ay gaadho sanadka 2063.