Belgium:-Duulimaadyada Dalka Belgium Oo Maalin Dhan La Joojiyay Iyo Sababta

0
Wednesday February 13, 2019 - 12:24:27 in by salman abdi
  • Visits: 346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Belgium:-Duulimaadyada Dalka Belgium Oo Maalin Dhan La Joojiyay Iyo Sababta

    Duulimaadyada Dalka Belgium Oo Maalin Dhan La Joojiyay Iyo Sababta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duulimaadyada Dalka Belgium Oo Maalin Dhan La Joojiyay Iyo Sababta

Dhammaan duulimaadyada ka baxa ama taga dalka Belgium ayaa maalin dhan la hakiyay ka dib markii ay shaqa joojin sameeyeen shaqaalaha, sida ay shaacisay hay’adda kala hagta diyaaradaha ee dalkaasi.

Hakinta duulimaadyada ayaa billaabatay Talaadadii 10-ka fiidnimo ee xilliga dalkaasi.

Saddex ka mid ah ururada shaqaalaha ee Belgium, ugu weyn ayaa shaaciyay shaqa joojinta.

Hay’adda hagta duulimaadyada dalkaasi ee Skeyes ayaa sheegtay in aanay hubin tirada shaqaalaha u soo shaqa tegi doona shaqa joojinta awgeed.

Hay’adda ayaa intaa ku dartay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta badqabka, sidaana aanay sameyn karin maadaama aanay soo xaadiri doonin shaqaalaha muhiimka u ah hawlahaasi.

Shaqa joojinta ayaa sidoo kale wax xoogaa saamayn ah ku yeelan doontaa diyaadaha mara hawada Belgium, maadaama Skeyes ay mas’uul ka tahay hawada joogeedu yahay 7,500m.

Balse waxaa aanay shaqa joojinta saamayn doonin duulimaadyada dowladda iyo kuwa milateriga.

Shaqa joojinta ayaa ka dhalatay muran ku aaddan kordhinta mushaarka shaqaalaha oo laga dhigay boqolkiiba 0.8 labada sano ee soo socota.

Ururada shaqaalaha ayaa ku baaqaya in la kordhiyo gunnooyinka iyo lacagaha hawlgabka ah oo la gaarsiiyo heer macquul ah iyo in la wanaajiyo saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha duulimaadyada.