Hargaysa:-Xukumada Soomaliland Maxay Kaga Jawaabtay Dawlada Ingriiska Oo Muwadininteeda Uga Digtay Deegaano Ka Mida Soomaliland Inay Cagta Dhigaan

0
Wednesday February 13, 2019 - 16:17:12 in by salman abdi
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Xukumada Soomaliland Maxay Kaga Jawaabtay Dawlada Ingriiska Oo Muwadininteeda Uga Digtay Deegaano Ka Mida Soomaliland Inay Cagta Dhigaan

    Xukumada Soomaliland Maxay Kaga Jawaabtay Dawlada Ingriiska Oo Muwadininteeda Uga Digtay Deegaano Ka Mida Soomaliland Inay Cagta Dhigaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukumada Soomaliland Maxay Kaga Jawaabtay Dawlada Ingriiska Oo Muwadininteeda Uga Digtay Deegaano Ka Mida Soomaliland Inay Cagta Dhigaan

Xukuumadda somaliland ayaa jawaab ka bixisay digniino ay dawlada ingiriisku ka soo saartay amaanka somaliland oo ay muwaadiniin-teeda uga digtay in ay tagaan magaalooyinka somaliland qaarkooda,waxaana ay somaliland tilmaamtay in amaankooda uu yahay mid sugan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa dawlada ingiriiska u soo jeediyay in marka ay amaan daradda somaliya ka hadlayaan inaanay ku soo dirin somaliland oo amaankeeda ay sugaan ciidankeeda kala duwan.


"Arintaasi dawladda Engiriiska ayay Khusaysaa iyaga ayaa dadkooda wax u sheegayay lakiin xageena nabad galiyo daro aynu ognahay maba jirto layaabna malahoo dharaar walba xamar oo ay qaraxyo ka dhacayaan magaaladda xamar  in ay dadkooda u digaan kulamaan yaabin,lakiin xaga somaliland wax dhibaato ah oo ka jiraa majiraan.

 

Intaas waxa uu ku daray wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha somaliland Maxamed Muuse Diiriye Isaga oo hadalkiisa siiwata.”dawlada Ingiriiska waxaanu leenahay digniinta ay dadkooda siinaya hada somaliya laba dal ayaanu kala nahaye oo waanu kala gadisanahaya waa in ay ka fiirsadaan ayaan dawlada ingiriiska u soo jeedin lahaa lakiin arintaasi ay shegeen waa mid iyaga u taala.

Dawladda Ingiriiska Ayaa Toddobaadkii Hore Somaliland Ku Dartay Dawladaha aanay Muwaadiniin-toodu u safri karin,balse dawlada somaliland ayaa warka ka soo baxay ingiriiska ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin isla markaasina amaanka somaliland yahay mid adag oo ciidankiisu sugaan.