Layaabka Dunida:-Qalliin Lagu Sameeyay Ilmo Aan Wali Dhalan

0
Thursday February 14, 2019 - 12:21:46 in by salman abdi
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaabka Dunida:-Qalliin Lagu Sameeyay Ilmo Aan Wali Dhalan

    Layaabka Dunida:-Qalliin Lagu Sameeyay Ilmo Aan Wali Dhalan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Layaabka Dunida:-Qalliin Lagu Sameeyay Ilmo Aan Wali Dhalan

Waxaa qalliin lagu guuleystay oo lafdhabarta ah lagu sameeyay ilma yar oo aanan wali dhalan.

Bethan Simpson, waa haweeney 26 jir ah, waxaa loo sheegay in gabadheeda caloosha ku jirta baadhitaan lagu sameeyay lagu ogaaday toddobaadkii 20-aad in lafdhabartu kala baxsan tahay.


Hooyo Simpson ayaa noqotay mid ka mid ah haweenkii ugu horreeyay dalka UK ee lagu sameeyo qaliinkii ugu horreeyay ” ee toosinta uurjiifka”
Qaliin ilmagaleenka ah oo soconayay afar saacadood ayaa uur-jiifka banaanka loo soo saaray, iyada oo dhaqaatiirta qaliinka wadayna ay ku toosiyeen qalooc ku jiray qeybta hoose ee lafdhabarta.

Mrs Simpson ayaa sidan tan sheegtay "Ma dooneyn inaa iska soo tuuro ilmahayga oo aan dareemayay dhaqdhqaasiisa”.

Qaliinka lagu sameeyay ilmaha caloosha ku jiray ayaa la rumeysan yahay inuu guuleystay waxa uuna dhalan doona bishi April ee soo socota.

Hooyada ilmahan yar Mrs Simpson ayaa sheegtay in iyada iyo seygeeda Keiron loosoo jeediyay in ilmaha caloosha ku jira ay iska soo tuurto, kaddib markii la ogaaday xaaladeeda, balse go’aanka lagu toosiyay lafhabarta uur-jiifka ayaa garaadkooda ka weyn”.

” Waxaa la ii sheegay inay naafo tahay oo lafdhabarta ka qaloocan tahay, balse ma aysan ahayn, ” ayay tiri Mrs Simpson.

Waxaa hooyadan loo ogolaaday in lagu qalo isbitaalka Jaamacada London bishii Disember, kaddib markii lagu sameeyay dhowr baaritaan oo uur-jiifka ah.

Qaliinka lagu sameeyay toddobaadkii 24-aad ee uur ku jirta ayaa waxaa qeyb ka ahaa furitaanka ilmagaleenka iyo in dhinac kale loo dhigo uur-jiifka si loo toosiyo qalooca, iyo sidoo kale dib u habeynta lafdhabarta.

” Waxaan kasoo baxay qaliinka hal saac waxaana isla habeenkii dareemayay dhaqdhaqaaqa ilmaha yar,” ayay tiri Mrs Simpson

Mrs Simpson ayaa la rumeysan yahay inay tahay bukaankii afaraad ee gudaha UK loogu sameeyo qaliinkan, iyada oo inta badan qaliinada noocaan ah lagu sameeyo dalka Belgium-ka iyo Mareykanka.

Laga bilaabo bisha April, qaliinkan ayaa laga heli doona isbitaalada qaran ee UK. Ku dhawaad 200 oo caruur ah ayaa ku dhasha UK sanad walba iyaga oo lafdhabartu ka qaloocan.

Dominic Thompson, oo ah dhaqtar neerfaha qaabilsan horseedna u ahaa dhaqaatiirti sameysay qaliinkan ayaa ku tilmaamay qaliinka ilmaha yar lagu sameeyay mid "aan la rumeysan karin”.

Sikasataba ha ahaatee, Mrs Simpson ayaa ku boorisay waalidiinta dhigeeda ah inay ka fakaraan qaliin lagu sameeyo caruurta” waxkasta oo suuragal ahna ay ku dhaqaaqaan”.
Xigasho : BBCSomalia