Dab Habeenkii Xalay ka Dhacay kaalin Shidaal Oo Ku Taaala Magaalada Gaalkacyo Iyo Khasaraaha Ka Dhashay.

0
Friday February 15, 2019 - 11:57:49 in by salman abdi
  • Visits: 287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Habeenkii Xalay ka Dhacay kaalin Shidaal Oo Ku Taaala Magaalada Gaalkacyo Iyo Khasaraaha Ka Dhashay.

    Dab Habeenkii Xalay ka Dhacay kaalin Shidaal Oo Ku Taaala Magaalada Gaalkacyo Iyo Khasaraaha Ka Dhashay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dab Habeenkii Xalay ka Dhacay kaalin Shidaal Oo Ku Taaala Magaalada Gaalkacyo Iyo Khasaraaha Ka Dhashay.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegay in maamulka labada dhinac magaalada xalay iska kaashadeen diminta Dab ka kacay kaalin shidaal, kaasoo geystay bur bur hanti.


Xarunta uu Dabku ka kacay ayaa ku taala dhinaca Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug ayaa waxaa u soo gurmaday mas’uuliyiinta iyo bulshada ku dhaqan Waqooyiga magaalada oo uu ka arimiyo maamulka Puntland, kuwaa oo gacan ka geystay sidii loo damin lahaa.
Dabka ayaa bur buriyay goobo ganacsi iyo guryo dad shacab ah degenaayeen kuwaa oo ka agdhawaan halka uu dabku ka bilaawday , hasse ahaatee lama soo sheegin wax khasare dhimasho ah.

Maamulka Waqooyiga Gaalkacyo ayaa ugu danbeyntii ku guuleystay in ay geeyaan halka uu dabku ka kacay Dabdamis oo laga waayay dhinaca Koonfurta magaalada oo ah halka uu dabku ka kacay, kaa oo qeyb weyn ka qaatay in si dhaqse ah loo damiyo dabka.

Magaalada Gaalkacyo oo u kala qeybsan labo dhinac oo ay kala maamulaan Puntland iyo Galmudug waxaa ay muddo dheerba aheyd magaalo colaadeed oo kala xiran, hasse ahaatee waayadii ugu danbeeyay waxaa muuqaneysay in arintaa meesha ka baxday, magaaladu tahay hadda mid isku furan.