Labbo canug oo mataana ah haddana kala aabe ah!

0
Friday February 15, 2019 - 11:57:49 in by salman abdi
  • Visits: 362
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labbo canug oo mataana ah haddana kala aabe ah!

    Labbo canug oo mataana ah haddana kala aabe ah!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labbo canug oo mataana ah haddana kala aabe ah!

Alexandra iyo Calder waa mataano jira 19-bilood, waana wiil iyo gabar balse waxaa cajiib ah isku aabe ma ahan. haddaba, sidee suuragal ku noqotay?
Gabadhan Alexandra aabeheed Simon ayaa la yiraahdaa, halka walalkeed Calder uu dhalay Graeme.
Balse sidee ayay macquul ku tahay in mataano wada dhashay ay yeeshaan labo aabe oo kala duwan?
Afar waalid, saddex waddan iyo labo caruur

Image caption
Waa Simon iyo Graeme oo la sawiran hooyada ilmaha u dhashay ee Meg Stone, iyo waliba carruurtooda
Markii Simon iyo Graeme Berney Edwards ay go'aansadeen inay noqdaan waalidiin, howl culus ayaa ka hortimid.
Waxay ka mid yihiin labadan aabe lamaanayaal aad u tiro yar oo Britain ku sugan kuwaasi oo doortay bacrimin lagu sameeyo barnaamijka isku darka ugxaanta iyo biyaha ragga.
Hannaankan ayaa muddo qaatay wuuna adkaaday, si loo bilaabana waxay u baahdeen in mid walba uu keeno ugxaan gaar ah si loo bacrimiyo.


Daawo: mataano 19 sano isku dhagganaa
Qorshahoodii hore waxuu ahaa inay dhalaan labo carruur ah oo kala hooyo ah, balse hay'adda ka caawineysay kaalmeynta ayaa u sheegtay inay suuragal tahay inay calool galaan labada ilmood hal mar waliba hal hooyo uurka ku qaado.
Inkastoo Simon iyo Graeme ay deggan yihiin UK, haddana dibedda ayay kaalmo u raadsadeen.
Ukumaha ayaa la talaalay waxaana loo qeybiyay labo qeybood: qeyb waala bacrimiyay iyada oo la isticmaalo biyaha Simon oo ah mid ka mid ah aabayaasha, tan kalena iyada oo la isticmaalayo biyaha Graeme.
Makrii hore waxaa la qaaday ugxan kaddibna waala qaboojiyay iyada oo markaasi lagu beeray hooyo si kumeel gaar ah loo kireystay, taasi oo gudaha Canada ilmaha caloosha ku qaadeysa.
Hooyo u dhalatay Canada oo ilmaha caloosha ku qaaday

Image caption
Simon Berney-Edwards ayaa sheegay inuu ka fekerayo inuu dhalo carruur kale
Marka, labda ilmiid ee uurka ku jira waxay ahaannayaan kuwa isku hooyo ah, balse kala aabe ah, waxayna si isku mid ah ugu korayaan caloosha hal hooyo oo lagu magacaabo Meg Stone, oo ah haweeney u dhalatay Canada taasi oo ogolaatay inay u noqoto hooyada kumeelgaar ah ee carruurta Simon iyo Graeme.
"Waxaan doorranay Canada sababto ah waxaan jecelnahay sharciyaddooda," ayuu yiri Simon oo ah mid ka mid ah aabeyaasha. "Waa xaalad la mid ah tan UK, ma ahan wax la jecelyahay. ma ahan wax laga ganacsado."
Haatanse labada aabe waa Simon iyo Graeme waxay dib ugu laabteen UK, iyagoo sugaya in akhbaar uga timaado Canada. Sida uurkan ma haggaagi doonaa oo ilmuhu si nabad ah maku dhalan doonnaan?
Mataano madaxa iskaga dhegganaa oo la kala fujiyey
Carruur loo dilay "si looga ganacsado" xubnaha jirkooda
Ugu dambeyntii waxay heleen khabarkii ay sugayeen oo waala soo wacay.
"Waxyaabo badan ayaa ka guuxayay maskaxdeena," ayuu yiri Graeme. "Aad iyo aad baan u faraxnay, aad iyo aad waliba."
Simon iyo Graeme waxay la socdeen xaalka uur ku jirtooda iyaga oo ka fog, balse waxay dib ugu safreen Canada lix toddobaad ka hor inta ilmuhu dhalan.
Mataano 97 sano jira oo qabow ugu dhintay Maraykanka
Nin dilay shan qof oo hal qoys ka wada tirsanaa
Labada aabe way madax adkaayeen waxayna doonayeen inay xiriir la yeeshaan hooyada sida kumeelgaar ka ah ilmaha ugu siday, maadaama aysan suuragal u ahayn inay marwalba la joogaan.
Haddaba aabeyaashan ma doonnayaan in carruur kale ay sidaanku dhalaan?
Inkastoo Simon iyo Graeme ay marwalba farxad u tahay inay carruur helaan balse way adag tahay inay sidaan sameeyaan.
"Abid ha adkeysan wax walba," ayuu yiri Simon oo dhoolacadeynaya.

Waa Simon iyo Graeme oo la sawiran hooyada ilmaha u dhashay ee Meg Stone, iyo waliba carruurtooda