Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar duqeyn ah ku qaadeen saldhig ay militariga Mareykanku degan yihiin

0
Friday February 15, 2019 - 14:44:49 in by salman abdi
  • Visits: 365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar duqeyn ah ku qaadeen saldhig ay militariga Mareykanku degan yihiin

    Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar duqeyn ah ku qaadeen saldhig ay militariga Mareykanku degan yihiin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-shabaab oo sheegtay in ay weerar duqeyn ah ku qaadeen saldhig ay militariga Mareykanku degan yihiin
Ururka Al-shabaab ayaa qoraal ay ku baahiyeen baraha Internetka ku sheegeen ay madaafiic ku weerarreen saldhig militariga Mareykanku ku leeyihiin gobolka Shabeellaha Hoose.


Al-shabaab ayaa sheegay in madaafiic dhowr ah ku weerarreen saldhigga Balli-doogle ay ka kacaan dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanku duqeymaha kaga geysto Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellaha hoose, lamana hayo faah faahin dheeraad ah oo ku saabsan weerarkan ay sheegteen Al-shabaab.

Saldhigga Balli-doogle ayaa waxaa jooga boqolaal askari oo Maraykan ah kuwaasoo halkaas ku tababara ciidamada Kumandoska Somalia, dhinaca kalena waxaa saldhigaas isticmaala dayuuradaha wax duqeeya ee Maraylanka kuwaasoo duqeyno ka fuliya goobaha ay joogaan Al-shabaab.