Hargaysa:-Wasiir Maaliyadda Soomaliland Oo Sababeeyay Sababta Qiimo Jaban Lagu Wareejiyay Saldhiga Milatari

0
Saturday February 16, 2019 - 15:03:29 in by salman abdi
  • Visits: 446
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Wasiir Maaliyadda Soomaliland Oo Sababeeyay Sababta Qiimo Jaban Lagu Wareejiyay Saldhiga Milatari

    Wasiir Maaliyadda Soomaliland Oo Sababeeyay Sababta Qiimo Jaban Lagu Wareejiyay Saldhiga Milatari

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maaliyadda Soomaliland Oo Sababeeyay Sababta Qiimo Jaban Lagu Wareejiyay Saldhiga Milatari

Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad CalI Shire ayaa sheegay in saldhiga malitari ee Imaaraadka ay Somaliland siisay ay qiimo jabiyeen duruufaha Somaliland ku xeeran oo ay kow ka tahay aqoonsi la’aanta beesha caalamka ka haysata.


Wasiir Sacad ayaa oo arimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi "Heshiiska saldhiga waxaynu saxeexanay 2/2017 inay ahayd ayaan jeclahay, baarlamankeena ayaa la geeyay shuruudaha lagu siiyay halkaas ayay ku qornaayeenWasiir Sacad ayaa sheegay in aanu war buuxa ka hayn madaxweyne Biixi bixinta madaarka Imaaraadka la siiyay markii uu sheegay in la kireeyay, maadaama oo uu maalmahaas uun xilka qabtay,waxaanu mar labaad ku celiyay in madaarkaas ay Somaliland ku badalatay mashaariic kale.

wax cidi ay ikhtiraacayso maaha, baarlamaankuna waa uu akhriyay markaasna guddoomiye Cirro waa uu joogay imikana qaybta kaydka qoraalada ee baarlamaanka ayuu yaalaa, isticmaalka saldhiga waxaynu waydaarsanay Waddo,madaar iyo waxyaabo kale oo la socday oo ay ka mid ahayd in dhalinyaradeena loo furo suuqa Imaaraadka inay inaga caawiyaan biyaha iyo tamarta ayaa la socday.”ayuu yidhi Wasiir oo u waramay Horyaaltv.

 

Waxa wasiirka la waydiiyay sida ay isku waafaqayaan hadalkiisa iyo ka madaxweyne Muuse Biixi ee ah in la kireeyay" Madaxweynaha haddii laga sheegay waa laga yaabaa isaga oo aan hayn war buuxa inuu isagu sidaas u cabiray,laakiin xaqiiqdu waxay ahayd in qoraal ay ahayd oo uu baarlamaanka yaalo.”

Wasiir Sacad ayaa la waydiiyay in qiimihii ugu jabnaa ay ku kireeyaan saldhiga milatari oo ka mid ahaa hantida dalka waxaanu ku jawaabay"Waa inaad duruufta eegto shay kaliyaata ayaad marna boqol siisaa marna toban siisaa, duruuf ayaa jirta inagu xeeran inaga laynama ictiraafsana, waxaynu eegaynaa maxaa inoo dan ah ma waxaynu haysanaa madaar aan la isticmaalayn, mise si kale oo inoo faa’ido ah ayaynu u isticmaalnaa .”