Muxuu Salka ku Hayaan Muranka Diblomasi-yadeed Ee Kenya iyo Soomaaliya.

0
Sunday February 17, 2019 - 13:09:28 in by salman abdi
  • Visits: 389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Salka ku Hayaan Muranka Diblomasi-yadeed Ee Kenya iyo Soomaaliya.

    Muxuu Salka ku Hayaan Muranka Diblomasi-yadeed Ee Kenya iyo Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Salka ku Hayaan Muranka Diblomasi-yadeed Ee Kenya iyo Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa mar kaliya ku dhawaaqday in ay xiriirka Diplomasi u jirtay dowladda Soomaaliya, iyadoo u yeertay safiirkeedii ka joogay Muqdisho, halka danjiraha Soomaaliya -na ugu baaqday in uu dalkiisa dib ugu laabto.


Xiriirka labada dal oo waayadii ugu danbeeyay u muuqday mid sii xoogeysanaya, ayeey dad badanni su’aal ka keeneen sababta ku xambaartay dowladda Kenya in ay qaadato go’aankan deg deg ah oo ay xiriirka ugu jirtay Soomaaliya.
Kenya ayaa u muuqatay in ay qoonsatay shirkii dhawaan ku soo dhamaaday magaalada London ee looga hadlayay arrimaha shidaalka Soomaaliya oo sida ay Dowladda Kenya sheegtay xadgudub ku ahaa, iyadoo ku eedeysay dowladda Soomaaliya ay beec-geysay ceelal -shidaal oo ku yaala xudduud baddeedka lagu muran san yahay.

Inkastoo dacwadda arintan ku saabsan ee labada dowladdood ay wali hortaallo maxkamada cadaallada dunida ee ICJ, ayaa haddana dhinaca kale waxaa muuqata in wali Kenya ku dhagan tahay lahaanshaha qeybta uu muranku ka jiro ee xudduud baddeedka labada waddan, balse dad badan ayaa qaba in go’aanka ay qaadatay Kenya uu ahaa mid qaldan marka loo eego danaha Siyaasadeed, Militari, Dhaqaale iyo Gacansi ee ka dhaxeeya labada dowladdood.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay sidan oo kale uga hor-timid ceelal shidaal oo ay bixisay dowladda Kenya, taasoo keentay in Soomaaliya ay ka dacwooto Maxkamadda caalamiga ah ICJ, sidaa daraadeed waxaa ay u muuqataa tallaabadan Kenya ay qaaday in markeeda ay is hortaag ku sameyneyso dhaqdhaqaaqa shidaal baarista dowladda Soomaaliya inta lagu kala baxayo dacwadda iyo kiiska maxkamaddeed ee labada wadan.

"Sharci ahaan, Kenya way ku sax sanaan kartaa, sababtoo ah horay ayay Kenya ceelal shidaal oo badda ah u bixixsay. Soomaaliya way ka dacwootay oo maxkamadda caalamiga ayay tagtay, waxayna tiri Kenya waxay kusoo xad-gudubtay baddena oo waxay ka baareysaa shidaal, maxakamaddii way dhageysatay oo dacwadii way socotaa , haddaba haddii Soomaaliya ceelashii ay geysay London, sharciyan Kenya way sax sanaan kartaa " sidaa waxaa yiri Ciid Badal oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey.

Shirkii London ayeey Kenya ku tilmaamtay mid boob ahaa oo lagu xoogayay hanta ay leedahay Kenya, taasoo ah ayeey mid aan idhaha laga qarsan karin.

"Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda". Ayuu yiri xoghayaha joogtada wasaarradda arrimaha dibedda Kenya Macharia Kamau

Balse luuqada ay adeegsatay dowladda Kenya ayeey Diblomaasiyiintu ku sheegeen in ay tahay mid aan hagaagsaneyn oo aan si wanaagsan looga fiirsan, iyadoo taa badalkeeda la heli karay in ay is hoose uga wada hadlaan labada dal.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal arrinkan, hasse ahaatee waxaa dhici karta in saacadaha soo socda ay war ka soo saarto go’aanka ay dowladda Kenya ku jirtay xiriirkii dhinaca Diblomaasiyada