Hargaysa:-Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Aan Qaadan Wax Mushara Sababta Keentay Iyo Dareenada Ku Xeeran

0
Monday February 18, 2019 - 11:19:48 in by salman abdi
  • Visits: 328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Aan Qaadan Wax Mushara Sababta Keentay Iyo Dareenada Ku Xeeran

    Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Aan Qaadan Wax Mushara Sababta Keentay Iyo Dareenada Ku Xeeran

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Aan Qaadan Wax Mushara Sababta Keentay Iyo Dareenada Ku Xeeran Shaqaalaha Dawlada Somaliland Oo Aan Qaadan Wax Mushara Sababta Keentay Iyo Dareenada Ku Xeeran
Xukuumada somaliland ayaa tahli kari wayday inay bishan Feberuarybixiso mushaharkii shaqaalaha dawladda, Waxaana shaqaalihii dawladda la kowsadeyhandaraabkii xukuumaddu saartay dalka

Shaqaalaha dawlada ee ka hawl gala hay’adaha kala duwan ayaan ilaa hada qaadanin mushaharkii bisha Feberuary kaas oo aan la garanayn sababta keentay dib u dhaca mudada qaatay eeku yimid.waxaana isqoorsadey catowga shaqaalaha dawladda waxaaney ilaa hadda fasiri karila yihiin sababta uu udabran yahay mushaharkii shaqaalaha dawladda oo muddo dhaaf ku dhaw walina xukuumadda Somaliland arrintan kamay hadal waxaana wer-wer iyo walaacow soo food saaray shaqaalihii dawladda oo iyagu ka cabsi qaba sidii ay usii shaqayn lahaayeen,

Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Barkhad Jaamac Xirsi ayaa xukuumada si adag ugu dhaliilay inay bixin kariwaydo mushaharkii shaqaalaha dawladda.

Afhayeenka xisbiga Waddani oo ka hadlaya mushaharka maqan ee shaqaalaha dawlada ayaa waxa uu yidhi "Bishu maanta 17 ayey ku socotaa, shaqaalihii dawlada ee qaranka u shaqaynayey badankoodu wax mushahar ah may qaadan, waana waxyaabaha cajiibka ahee aanu caqliga dadku liqi karayn.”

Xukuumada somaliland ayaan ilaa hada faah faahin ka bixin sababaha keenay inay bishan bixi waayaan musaharkii shaqaalaha dawlada, iyada hawl wadeenada ka shaqeeyaa laamaha dawladuna ay wali dhawrayaan inuu soo gaadho mushaharkii ay xaqa u lahaayeen.