Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xafiis Diblamaasiyadeed Oo Dawladda KENYA Ka Furanayso Somaliland

0
Monday February 18, 2019 - 14:18:06 in by salman abdi
  • Visits: 308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xafiis Diblamaasiyadeed Oo Dawladda KENYA Ka Furanayso Somaliland

    Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xafiis Diblamaasiyadeed Oo Dawladda KENYA Ka Furanayso Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Faratoon Oo Ka Hadlay Xafiis Diblamaasiyadeed Oo Dawladda KENYA Ka Furanayso Somaliland

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka war bixiyay tallaabooyin dublamaasiyadeed oo ay xukuumadda Somaliland qaaday iyo xidhiidho badan oo ay la samaysay dalal iyo ururro caalami ah oo laga midho dhalinayay qaddiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.

Waxa kale oo uu ka hadlay xafiis diblamaasiyadeed oo dalka Kiiniya uu ka furanayo Somaliland, taas oo ka dambaysay kulamo wasiirka iyo madaxda Dawladda Kiiniya ay wada yeesheen ka dib in Kiiniya ay ku qanacday in ay xafiis ka furato Somaliland isla markaana hawshiisu ay socoto oo ay meel wanaagsan marayso.

Waxa kale oo uu wasiirku intaa raaciyay in aanay Somaliland u baahnayn hadal badan oo meel kasta laga yidhaahdo iyo wax kasta in laga jawaabo, isaga oo xisbiyada mucaaridka ah iyo siyaasiyiinta Xukuumadda dhaliilana u soo jeediyay in ay noqdaan kuwo u bisil siyaasadda Somaliland oo ay u kala calaamadsan tahay waxa hadalka u baahan iyo arrimaha qaran ee ay tahay in wada jir looga wada shaqeeyo.

Waxa kale oo uu intaa raaciyay in xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi in qorshohoodu uu yahay in ay Somaliland horumar dhan walba ah ay gaadhsiiso wax kastana ay ka hor mariso gudashada shaqada qaranka ay u hayso ee loo igmaday iyada oo wasaarad waliba waajibaadkeeda shaqo ay gudanaysona ay ku fooggan tahay horumarinta shaqadeeda.

Waxaanu ka war bixiyay socdaallo kala duwan oo wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland dalal badan ku martay iyo weftiyo caalami ah oo kala duwan oo ay dalka ku soo marti qaadeen oo xog ogaal u noqday qaddiyadda Somaliland.

Wasiir Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay wargayska Dawan, ugu horrayn isaga oo ka hadlaya tallaabooyinka dublamaasiyadeed ee ay qaadday Xukuumadda Somaliland iyo guulaha wasaaraddu ku tallaabsatay waxaa uu yidhi. "Muddadii xukuumaddu xilka haysay ee ay talada dalka la wareegtay waxaanu qaadnay tallaabooyin dublamaasiyadeed oo dalal badan iyo hay’addo badan oo caalami ahba aanu ku gaadhsiinay qaddiyadda Somaliland, iyada oo wax badan ka taraysa ololaha Somaliland ugu jirto ictiraaf raadinta qaranka Somaliland, waxaan muddooyinkan u dambeeyay aanu maq maqlaynaa siyaasiyiin iyo xisbiyada mucaaridka oo dhaliilaya siyaasadda arrimaha dibedda oo leh waxbaa laga gaabiyay laakiin waxaa ka maqan oo aanay garawsanayn siyaasiyiinta mucaaridka ahi in Somaliland ay tahay qaran raadinaya aqoonsi caalami ah oo cadaw badan leh oo wax kasta oo u qabsoomaba ay cidi ka xun tahay. Taas oo loo baahan yahay in qaranku sir yeesho oo aan wax walba laga hadal ama aan la sheeg-sheegin waxana kala jira shirar iyo kulamo Somaliland markay ka qayb gasho u baahan in laga hadlo iyo kuwo aan laga hadlayn si aan cadawga Somaliland uga war helin.

Shirkii ugu dambeeyay ee midawga Afrika ee Addis Ababa waanu ka qayb galnay oo madax wasaaradda ah iyo siyaasiyiin qarankan in badan u soo shaqanayay ayaa ka qayb galay, guulo wax ku ool ahna way ka soo hooyeen cidda leh Xukuumaddu Itoobiya may gaadhinna waa dad xaqiiqada ka fog oo hadalka suuqa laga leeyahay uun ka adag, Waxaanan bulshada u soo jeedinayaa in ay xukuumaddooda u shaqaynaysa ku kalsoonaadaan oo ay aaminaan, isla markaana ogaadaan in dalka Somaliland uu u bahan yahay shaqo iyo hawl la qabto, laakiin hadal meel laga yidhaahdo iyo muran iyo buuq in aanay midna u baahnayn.

qorshaha xumuukadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Muuse Biixi iyo xisbiga KULMIYE wuxuu yahay hadal yar iyo hawl badan, taas ayaanan ku shaqaynaynaa, mucaardikuna waxay dadka ka iibinayaan ha u sheegaan intay muranka ka baxaan.”

Wasiirka oo ka hadlayay xidhiidhka Somaliland iyo Kiiniya halka uu marayo, ayaa yidhi. "Xidhiidhka Kiiniya iyo Somaliland meel wanaagnsan ayuu marayaa waxaanay Kiiniya xafiis ka furanaysaa Somaliland, qorshiisuna wuu socdaa, waxaanay ahayd in sannadkan bilawgiisa ay furtaan, kulamo aanu madaxda dawladda Kiiniya wada yeelanay kadib waxay ku qanceen in ay xafiis dublamaasiyadeed ay ka furtaan Somaliland, dhakhsana way u furanayaan, Somaliland xafiiska ay Kiiniya ku leedahayna si wanaagsan ayuu u shaqeeyaa, xidhiidhka labada dalna aad ayuu u wanaagsan yahay.”

Wasiirka oo wax laga waydiiyay wada hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya iyo ergaygii Turkiga waxay ku kala tageen, ayaa ku jawaabay. "Xukuumadda Somaliland wada hadalladaa mawqifkeeda way caddaysay, waxaanay dalbatay in wada hadalada la ballaadhiyo oo dalal kale lagu soo daro, waxaana jawaab laga sugayaa dawladda Turkiga, markaa jawaabta ay soo celiyaan ayaan ka hadli doonnaa.”

Waxaa kale oo wasiir Yaasiin wax laga waydiiyay siyaasadda dibedda, gaar ahaan Yurub iyo Maraykan iyo siday uga hawl galeen, waxaanu yidhi. "Waxaa jiray socdaal aad muhiim u ahaa oo aanu ku tagnay dalal badan oo Yurub iyo Maraykanka ah, waxaanan kulamo la qaadanay madax sare oo ka mid ah dawladda Maraykanka iyo waaxda sharci dejinta iyo hay’addo caalami ah, kuwaas oo aan muddo badan cidi u tegin qaarna aan looba tegin oo qaddiyadda Somaliland aanu gaadhsiinay, waxaan la kulanay warbaahin badan oo caalami ah. Waxa kale oo aanu kulamo waawayn la yeelanay maxadyo waawayn oo ah kuwa siyaasadda dalalkooda ee arrimha dibedda jaangooya oo ku qancay qaddiyada Somaliland, tallaabooyinkaas is xig xigay waxay dhaliyeen in wufuud badan oo caalamka ka socotaa in ay Somaliland timaaddo, xidhiidh dhaw oo wada shaqayneedna waanu wada yeelanay meel wanaagsanna wax way noo marayaan.

Waxa kale oo aanu kulamo la yeelanay dhammaan dalalka aanu tagnay jaaliyadaha Somaliland oo aanu ku baraarujinay in ay isku duubni iyo midnimo wada yeeshaan oo ay u midoobaan qarannimada Somaliland.” ayuu yidhi Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon).