Hargysa:-Siyaasi Geel-jire Maxuu Ka Yidhi Garabka Cusub Ee Kulmiye Ee Dhawaan Lagu Dhawaaqay

0
Tuesday February 19, 2019 - 13:21:53 in by salman abdi
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargysa:-Siyaasi Geel-jire Maxuu Ka Yidhi Garabka Cusub Ee Kulmiye Ee Dhawaan Lagu Dhawaaqay

    Siyaasi Geel-jire Maxuu Ka Yidhi Garabka Cusub Ee Kulmiye Ee Dhawaan Lagu Dhawaaqay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Geel-jire Maxuu Ka Yidhi Garabka Cusub Ee Kulmiye Ee Dhawaan Lagu Dhawaaqay Siyaasi Cabdilaahi Geel-jire Oo Ka Fiirsanaaya Xisbiga Uu Ku Biirayo+Muxuu Ka Yidhi Garabka Cusub Ee Ay Ku Dhawaaqeen Siyaasiyiintii Laga Caydhiyey KULMIYE

Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geeljire ayaa ka hadlay sida uu u arko garabka ay ku dhawaaqeen xubnihii laga caydhiyey xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye.

Siyaasi Cabdilaahi Geeljire oo ugu horayn ka hadlaya sida uu u arko garabka cusub ayaa waxa uu yidhi "Garabkaas kuma jiro, xisbiga Kulmiye mar ayaanu kala hagaagnay ama dulmi iyo qalad halayga galee wax aan kaga sii rafto ama aan kolba meel ka sooSiyaasi Cabdilaahi Geeljire oo isagu ku jiray xubnihii laga saaray golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ayaa sheegay inaanu ku jirin garabka ay ku dhawaaqeen xubnaha kale, isaga oo xusay inaanay jirin wax iskugu hadhay xisbigaasi.yidhaahdo waan ku jiray waxba halkaas kuma jiraan waxbana kama rabo waayo waxa igaga filan xisbigaan 13-ka sanadood ahaa ee aan hawsha badan ka soo qabtay ee boqolaalka kun ee qof ku walaalownay ee aan xukuumadiisii hore xilal ka soo qabtay, ixtiraamka ugu yar ii quudhi waayey arin ayaa laguu haystaa kaalay isdifaac ee gudoomiyuhuna ii quudhi waayey wax aan kaga sii murmo aniga oo debada jooga aniga iima muuqato, saaxiibaday haday u muuqato inay dani ugu jirto ha wadaan balse waxay tani tusaale u tahay dadka xisbiga ku hadhay inta uu gudoomiye ka yahay madaxweynuhu inaanay wax qadarin ah ku lahayn si kasta oo ay u halgamaan.”

 

Siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi oo ah gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu caydhin doono xubnaha kale ee ay isku fikirka noqon waayaan "Maalinta ay isyar afgaran waayaan ama dareenkiisa iyo war loo geeyey ku shaqaynaya uu waraaq hawada u soo marinayo, taas ayaaban ka xumahay saaxiibadayda xisbiga ku hadhay ee badan in xisbigii oday Axmed siilaanyo gudoomiye ka ahaa ee uu dadka ku ururin jiray uu halkaas ku dambeeyo ayaaban ka naxsanahay laakiin anigu wax aan ka daba socdo iyo wax aan ka rabo ma jiraan.”

Siyaasi Cabdilaahi Geeljire ayaa taageero u muujiyey xubnaha garabka ku dhawaaqay waxaanu mar kale yidhi "Qoladan aanu saaxiibka nahay ee garabka ku dhawaaqayna xaq ayey u leeyihiin inay raadsadaan wixii ay go’aan ku gaadhaan balse waxaan kula talinayaa haday ka hadhi waayeen in gudoomiyaha xisbiga ee ay dulmiga ka tirsanayaan oo laba shaqo isku haya oo marna ah gudoomiyaha xisbiga marna ah madaxweynaha qaranka balse gudoomiyaha oo kaliya ha eegina jagada kale ee madaxweynaha qaranka oo uu dalka ku matalana eega oo yaanay aflagaado iyo xumaan kale idiinka tagin, xaqiinana si si wanaagsan oo asluub leh oo xisbinimo ah u doonta, laftana gura xaragana haka tagina.”

Geeljire waxa kale oo uu sheegay in xubnahaasi ay la soo xidhiidheen balse uu ka cudurdaartay "Way ila soo xidhiidheen oo waanu kulanay, mawqifkaygana waan u sheegay inaanay halkaas waxba iigu jirin oo aanan waxba ka daba socon.”

Ugu dambayn waxa uu sheegay inuu ka fiirsanayo xisbigii uu ku biiri lahaa "Maya balse wax iga hortaagani ma jiraan wax noo socdaana ma jiraan, aniguna oday somaliland ah ayaan ahay, xisbiyaduna waa dhulka aynu ku tala galnay inaynu ka fulino arimaheena siyaasadeed oo siyaasi madax banaan iyo urur madax banaan oo siyaasadeed ma jiro sharciguna ma ogola, markaa maalintaan arko inaan hawshayda ku kordhiyo xisbi waan la gali waxa hadhayna waa laba xisbi oo doorashadaydu aniga ayey igu xidhan tahay.”