Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay tacaddi loo geystay suxufiyiin Soomaaliyeed

0
Friday February 22, 2019 - 17:48:10 in by salman abdi
  • Visits: 437
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay tacaddi loo geystay suxufiyiin Soomaaliyeed

    Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay tacaddi loo geystay suxufiyiin Soomaaliyeed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Soomaaliya oo saraakiil u xirtay tacaddi loo geystay suxufiyiin Soomaaliyeed

War ay qortay warbaahinta dowladda Soomaaliya taliyaha ayaa lagu sheegay in taliyaha ururka 60-aad ku wargaliyay wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle in Saddex Sarkaal ay u xiran yihiin tacaddi lagula kacay wariyeyaal Soomaaliyeed.

 

 

Falkan ayaa dhacay 18kii Bishan, waxaana baraha bulshadda lagu baahiyay muuqaalka saddex wariye oo Lugaha iyo Gacmaha inta laga xiray la dhigay meel qorax ah magaalada Muqdisho.

 

Saraakiisha la xiray ayaa la sheegay in ay mas’uul ka ahaayeen tacadiga lagula kacay wariyayaasha , islamarkaana su’aalo weydiinayaan arintan ku saabsan laamaha Danbi barista dowladda Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya shaacisay in saraakiil ciidan loo xiray tacadi lagula kacay suxufiyiin Soomaaliyeed oo inta badan cabasho ka muujiyeen hab dhaqanka ciidamada dowladda marka ay gudanayaan waajibaadkooda shaqo.