Hargaysa:-Ururka SOLJA Oo Cambaareeyey Tacadi Boolisku U Gaystay Wariye Sagal Beeldeeq Iyo Sawir Qaade Ridwaan

0
Thursday February 28, 2019 - 12:53:16 in by salman abdi
  • Visits: 556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Ururka SOLJA Oo Cambaareeyey Tacadi Boolisku U Gaystay Wariye Sagal Beeldeeq Iyo Sawir Qaade Ridwaan

    Ururka SOLJA Oo Cambaareeyey Tacadi Boolisku U Gaystay Wariye Sagal Beeldeeq Iyo Sawir Qaade Ridwaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka SOLJA Oo Cambaareeyey Tacadi Boolisku U Gaystay Wariye Sagal Beeldeeq Iyo Sawir Qaade Ridwaan

Ururka SOLJA Oo Cambaareeyey Tacadi Boolisku U Gaystay Wariye Sagal Beeldeeq Iyo Sawir Qaade Ridwaan

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa cambaareeyey Fal Askari Booliska ahi kula kacay Wariye iyo Sawir Qaade ka tirsan Telefishanka HCTV oo kala ahaa Wariye Sagal Beeldeeq iyo Sawir Qaade Ridwaan Xuseen.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska war-qabadka wargeyska Madaxa bannaan ee FOORE ayaa waxa uu dhignaa sidan:

"Askari ka tirsan Booliiska Dawladda Hoose waxa uu dhaawacyo wajiga ah ugu gaystay Wariye Sagal, halka uu ka jajabiyey qalabkii ay siteen, isla markaana waxa ay ku xidheen Askartii kale ee la socotay Saldhiga New-hargeysa.

Askariga ayaa labadan wariye ka hor istaagay Barnaamij ay ka duubayeen badhtamaha suuqa Hargeysa, waxaanu waydiiyey Aqoonsiyadooda markii ay tuseena waxa uu si badheedh ah uga hor istaagay shaqadoodii isagoo awooddiisa u adeegsaday.

Sidoo kale, Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska ayaa 25/2/2019-ka Kamaradii ay ku shaqaynayeen ka qaaday wariye Xamse Xirsi Xayd iyo Sawir qaade Sayid Faarax Burraale oo ka tirsan Telefishanka Barriga Afrika, kuwaas oo war ka duubayey Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex oo xukun ka soo saartay Dacwaddii Abwaan C/raxmaan Abees.

Isla 25/2/2019, waxay saraakiisha Booliiska Gabilay xabsiga dhigeen Mukhtaar Nuux oo ka tirsan Telefishanka Eeryal, kaasoo aanay illaa hada saraakiisha Booliisku sheegin sababta ay u xidheen wariyahaas.

Labadii bilood ee sanadkan cusub waxa dhacay sideed dhacdo oo kale oo ka dhan ahaa Saxaafadda, kuwaas oo ay qaarkood Booliisku qabteen, iyaga oo aan u marin nidaam sharciga waafaqsan.

Ururka SOLJA, dhacdooyinkan oo dhan waxa uu u arkaa kuwo sharci darro ah oo ka hor imanaya Dastuurka iyo Qawaaniinta u taala Dalka, waxaanay noqdeen dhaqan soo noq noqday oo aanay mar na ba ka waantoobay xukuumaddu.

Ururka SOLJA, waxa uu ka codsanayaa Masuuliyiinta Qaranka inay joojiyaan tacadiyadda ka dhanka ah Saxaafadda, isla markaana ay ka koraan inay maalin walba ku talaabsan falal sumcad xumo ku keenay Hanaanka Xorriyatul-qawl iyo Madax banaanida Saxaafaddeed ee Dalkani leeyahay.

Ururka SOLJA, uma arko xal inay xukuumaddu maalin walba si sharci darro ah u xidho wariyayaasha iyo dadka ixtiraamka mudan, iyadoo u mari karta nidaam cadaaladeed oo aan waxba u dhamayn karaamadda Qaranka.

Maxamuud Cabdi Jaamac

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA