Itoobiya:-Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xilka Wasiirkiisa Arimaha Dibada Looga Magacaabay Qaramada Midoobay

0
Sunday March 10, 2019 - 10:48:36 in by salman abdi
  • Visits: 447
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya:-Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xilka Wasiirkiisa Arimaha Dibada Looga Magacaabay Qaramada Midoobay

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xilka Wasiirkiisa Arimaha Dibada Looga Magacaabay Qaramada Midoobay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Ka Hadlay Xilka Wasiirkiisa Arimaha Dibada Looga Magacaabay Qaramada Midoobay

Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa ka hadlay xil qaramada midoobay looga magacaabay wasiirkiisa arimaha debada Workeneh Gebeyehu.

Sidoo kale warka ayaa lagu sheegay in wasiirka arimaha debada ee Itoobiya Workeneh Gebeyehu uu wax badan ka qabtay awooda wasaarada arimaha debada tan iyo sanadkii 2016 oo loo magacaabay, waxaanu warku intaas raaciyey in Workeneh Gebeyehu uu labaatankii sanadood ee ugu dambeeyey dawlada Itoobiya ka caawiyey hay’addo kala duwan.War ka soo baxay xafiiska raysal wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay in raysal wasaaruhu uu dhambaal hambalyo ah gaadhsiinayo wasiirka arimaha dibada oo xoghayaha guud ee qaramada midoobay u magacaabay agaasimaha xafiiska qaramada midoobay ee magaalada Nairobi.

Warka ka soo baxay xafiiska raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale qiray kaalinta uu Workeneh Gebeyehu kaga jiro isbadalada dalkaasi ee dhinaca siyaasada arimaha debada gaar ahaana sida ay Itoobiya hormoodka uga tagay isdhexgalka bulshada geeska Afrika.