Berbera:-Nuxurka Socdaal Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Ku Marayo Goobaha Dakhliga ee Gobollada Bariga.

0
Sunday March 10, 2019 - 13:37:51 in by salman abdi
  • Visits: 399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berbera:-Nuxurka Socdaal Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Ku Marayo Goobaha Dakhliga ee Gobollada Bariga.

    Nuxurka Socdaal Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Ku Marayo Goobaha Dakhliga ee Gobollada Bariga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nuxurka Socdaal Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu Ku Marayo Goobaha Dakhliga ee Gobollada Bariga.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxumed (Dhago-wayne) iyo wafti uu hogaaminayo ayaa shalay galabtii u anba-baxay socdaal ay ku mari doonaan goobaha dakhliga ee kastamada iyo cashuuraha berriga ee dhammaan gobolada bariga oo dhan.

 

 

Saaka ayaa waxa uu wasiir-ku-xigeenak iyo waftiga uu hoggaaminayo ay ku waabariisteen magaalada Berbera, ka dib waxa ay u sii dhaafi doonaan gobollada kale ee Togdheer, Sanaag iyo Sool.

 

Sidoo kale socdaalkan Wasiir ku xigeenka ayaa ah kii saddexaad ee uu kusoo karmeero goobaha dakhliga dalka, isagoo socdaalkiisii hore kusoo kormeeray Kastamadda Wajaale, Kala-baydh, Gabiley, Abaarso, Saylac, Caasha-caddo iyo dhammaan dhinaca galbeedka ee dalka isla markaana hawlgalada lagula xisaabtamayo maamulka iyo masuuliyiinta xarumaha dakhliga ayaa noqonay kuwo bilaw ah, isla markaana wakhtiyadda soo socda la libin-laabi doono.

 

Dhinaca kale Socdaalkan Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxumed (Dhago-wayne) ayaa looga gol-leeyahay dardar-galinta iyo kor u qaadista dakhliga dalka, kaas oo lagula xisaabtamayo maamulka iyo masuuliyiinta goobaha dakhliga ee dalka isla markaana sidii ay wasaaraddu u gaadhi lahayd odoroska miisaaniyadeedka 2019 si ay dawladdu u suuro galiso fulinta mashaariicaha horumarineed ee sannadkan loogu tala galay.

 

Sida oo kale, waftigan uu hoggaaminayo wasiir-ku-xigeenku ayaa il-dhaw ku eegaya qiimaynta baahiyaha haysta goobaha dakhliga ee cashuuraha berriga iyo kastammada ee caqabad ku noqon kara ururinta iyo kor u qaadidda dakhliga haddii ay tahay baahi xafiiseed, baahi qalab, baahi shaqaale iyo baahi farsamo shaqo intaba.