Turkiga:-Dawlada Turkiga Oo Eriday Sadex Weriye Oo U Dhashay Jarmalka Iyo Xukuumada Berlin Oo Ka Hadashay

0
Sunday March 10, 2019 - 23:40:33 in by salman abdi
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga:-Dawlada Turkiga Oo Eriday Sadex Weriye Oo U Dhashay Jarmalka Iyo Xukuumada Berlin Oo Ka Hadashay

    Dawlada Turkiga Oo Eriday Sadex Weriye Oo U Dhashay Jarmalka Iyo Xukuumada Berlin Oo Ka Hadashay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Turkiga Oo Eriday Sadex Weriye Oo U Dhashay Jarmalka Iyo Xukuumada Berlin Oo Ka Hadashay

Dawlada Turkiga Oo Eriday Sadex Weriye Oo U Dhashay Jarmalka Iyo Xukuumada Berlin Oo Ka Hadashay

Wasiirka arrimaha dibadda Jarmalka ayaa kasoo horjeestay go'aanka uu Turkigu dalkiisa uga eryay Saddex saxafi oo Jarmalka u dhashay.

Wariyeyaashaas ayaa la siiyey muddo 10 cisho ah oo dalka ay uga baxaan. Waxaana la rumaysan yahay in ay tahay markii ugu horraysay oo Turkigu uu diido in uu qaabilo saxafiyiinta ajaanibta ah.Heiko Maas ayaa sheegay in go'aankaasi uu ahaa "mid aan la aqbali Karin" uuna samaynayo ol' ole kadhan ah arrintaas.

Arrintaas waxay dib usoo celisay walaaca laga qabo cabburinta uu Turkigu ku hayo saxaafadda xorta ah.

Tobonaan saxafiyiin ah oo Turkiga u dhashay ayay dawladdu xabsiga dhigtay kuwaas oo lagu eedeeyey in ay xiriir la lahaayeen koox ay dawladdu la xiriirinayso afgambigii dhicisoobay ee dhacay bishii July ee 2016-kii.

In kabadan 107,000 oo qof ayaa laga rukhseeyey shaqooyinka dawladda kuwaas oo lagu tuhunsan yahay in ay gacan saar la lahaayeen Fetullah Gülen, oo ah wadaad lagu eedeeyey in uu ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay.

Nin la taliye sare u ah madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa beeniyey in xukuumaddu ay cabburin ku hayso saxafiyiinta.

Labo kamid ah saxafiyiintaas ayaa dalkaas ka baxay maanta oo Axad ah, halka midka kalena uu goor horeba tagay dalka Jarmalka.

Saddexda wariye ayaa kala ah:

Thomas Seibert, oo u shaqeeya wargayskaTagesspiegel.

Jörg Brase, oo agaasime ka ah ZDF

Halil Gülbeyaz, oo katirsan TV-ga NDR

Mr Maas ayaa wargayska Tagesspiegel u sheegay "Haddii aanay jirin saxaafad war dhaliisha ma jirto dimuquraadiyad xor ah"

"Waan sii wadi doonaa dadaalka ku aaddan in saxafiyiintu ay ka shaqeeyaan Turkiga ayagoon wax xayiraad ah la saarin."

Waxa uu sheegay in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkigu uu ogyahay waxa Jarmalku uu doonayo.

Dhanka kale, Mr Brase ayaa BBC-da u sheegay in uu Iran ka shaqayn karo, balse aanu ka shaqayn Karin Turkiga oo xubin ka ah ururka Nato.


 


Source:-BBCsomali