Australia:-Wiil Yar Oo Warqad U Qoray Shirkad Diyaaradeed Iyo Jawaabta Uu Ka Heley

0
Tuesday March 12, 2019 - 10:24:17 in by salman abdi
  • Visits: 364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Australia:-Wiil Yar Oo Warqad U Qoray Shirkad Diyaaradeed Iyo Jawaabta Uu Ka Heley

    Australia:-Wiil Yar Oo Warqad U Qoray Shirkad Diyaaradeed Iyo Jawaabta Uu Ka Heley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Australia:-Wiil Yar Oo Warqad U Qoray Shirkad Diyaaradeed Iyo Jawaabta Uu Ka Heley

-Maku riyoonaysaa in aad yeelato shirkad diyaaradeed?. Hagaag, wiil yar oo 10 sanno jir ah ayaa talada ugu wanaagsan ka raadiyay halka ugu saraysa.

Alex Jacquot oo ku dhashay dalka Australia ayaa warqad u qorey maareeyaha guud ee shirkadda diyaarada Qandas ee dalkaas laga leeyahay.

"Fadlan hadalkayga dhagayso oo dhab u qaado” ayuu yiri wiilkan yar oo warqadiisa aad loogu faafiyay baraha bulshada.

Wiilka yar ayaa sheegay in uu ku riyoonayo in uu furo shirkad diyaaradeed oo magaceedu yahay "Oceania Express”, wuxuuna tallo weeydiisay agaasimaha sidii uu ku hirgalin lahaa shirkadaas.

Waxa uu intaas ku daray in uu cilmi baaris ku wado nooca diyaaradaha uu u baahanyahay, tirsiyada diyaaradaha iyo waliba nooca cuntada diyaaradda dhexdeeda macaamiisha laga siin doono.

Balse waxa uu sheegay in uu la kulmay qasaaro, wuxuuna agaasimaha weeydiiyay sida looga baaqsan karo arrintaas.

Jawaabta Mr Joyce waxa ay noqotay mahadcelin iyo balanqaad ah in uu la kulmi doono.

Wuxuuse intaas ku daray "Caadiyan dadka suuqa nalagu tartamo waano nama weeydiiyaan, mana siiyo haddii ay i weeydiistaan, balse adiga waad ka duwantahay, waxaana ugu wacan anigaba markii aan wiilka yar ahaa w