Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo xilka iska casilay

0
Tuesday March 12, 2019 - 17:58:48 in by salman abdi
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo xilka iska casilay

    Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo xilka iska casilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland oo xilka iska casilay
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa xilka iska casilay ,sida laga soo xigtay ilo ku dhow taliyaha oo sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyay madaxweynaha Puntland.

Waxaan la ogeyn waxyaabaha ka dambeeyay is casilaada taliyaha ciidanka tabbabarada milatariga la siiyo ee Daraawiishta,balse warar ay heshay HOL ayaa sheegay in waxa ugu weyn ee taliyaha uu xilka isaga casilay inay la xiriirto dhaqdhaqaaqyada cusub ee ciidanka Soomaaliland ay ka wadaan gobollada Sool iyo Sanaag.

Wararka ayaa inta ku daray in taliyaha iyo madaxtooyadda ay isku fahmi waayeen sida looga jawaabi lahaa dhaqdhaqaaqyada, balse ma jiro wali war ka soo baxay madaxtooyada oo is casilaada taliyaha looga hadlay.

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa xilka taliyaha ciidanka Daraawiishta u magacaabay S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi 28 bishii October ee sannadkii hore 2018ka