Abu Dubai :-Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera Oo Bisha June La Furayo

0
Wednesday March 13, 2019 - 11:17:31 in by salman abdi
  • Visits: 452
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abu Dubai :-Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera Oo Bisha June La Furayo

    Abu Dubai :-Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera Oo Bisha June La Furayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Abu Dubai :-Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera Oo Bisha June La Furayo

aldigga Militari ee Imaraadka Carabta ayaa la filaya in xadhiga laga jaro bisha June ee sanadkan waxaana la filaya in halkaasi lagu rakibo qalab taageeraya ilaalinta biyaha Somaliland.

Sidaana waxa lagu sheegay war-bixin dheer oo lagu daabacay majadalada lagu magacaaboEast African Business Week,taasi oo uu Wargeyska Waaberi kasoo xigtay qayb kamid ah,waxaana lagu sheegay war-bixintaasi inSaldhigga millatari ee Imaaraadka Carabtu ka dhisanayey Somaliland lagu wado inuu bilaabo shaqadiisa bisha Juun, kaasi oo uu wehelin doono nidaam lagu ilaalinayo xeebaha Somaliland .

Dhanka kale war-bixinta ayaa lagu soo xigtay hadal uu hore u sheegay safiirkii hore ee Somaliland u joogay Imaaraadka Carabta Baashe Cawil, kaasi oo ahaa mid uu ku sheegay in aanay Somaliland haysan awood dhaqaale oo ay ku ilaaliso xeebaheeda.

" Saldhiga militariga Imaraadka Carabta ayaa ka caawin doona gobolka oo dhan – Budhcad-badeednimada, kalluumeysiga sharci-darrada ah, daadguraynta sunta, mana haysanno ilo dhaqaale oo lagu ilaaliyo xeebahayaga, "ayuu Amb Baashe Cawil ku sheegay wareysi hore oo lala yeeshay.