Hargaysa:-Khilaaf Markale ka Dhex-Qarxay Wasiirka Jidadka iyo Maareeyaha Wadooyinka

0
Wednesday March 13, 2019 - 11:21:40 in by salman abdi
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Khilaaf Markale ka Dhex-Qarxay Wasiirka Jidadka iyo Maareeyaha Wadooyinka

    Hargaysa:-Khilaaf Markale ka Dhex-Qarxay Wasiirka Jidadka iyo Maareeyaha Wadooyinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa:-Khilaaf Markale ka Dhex-Qarxay Wasiirka Jidadka iyo Maareeyaha Wadooyinka Khilaaf Markale ka Dhex-Qarxay Wasiirka Jidadka iyo Maareeyaha Wadooyinka Iyo Fadeexado Dul Hoganaya Wasiir Cabdilahi Abokor...? .
Khilaaf sadex geesood ah oo curyaamiyey hab-sami u socodkii hawlaha shaqo ee wasaaradda Gaadiidka Somaliland, ayaa dib uga dhex curtay Wasiir Cabdilahi Abokor iyo Maareeyaha Hayadda Wadooyinka, iyo sidoo kale agaasimaha Wasaarada Jidadka.
Ilo-wareedyo xog-ogaal u ah Wasaaradda, ayaa sheegay in khilaafkani salka ku hayo, kadib markii uu Wasiirka Wasaarada Jidadku ixtiraami waayey hanaanka shaqo ee Hayadda Wadooyinka, isla markaana uu ku sameeyey faro-gelin iyo xadgudub shaqo oo tiro beelay.
Wararku waxay sheegeen in todobaadyadii u dambeeyey fiintu dhex-miranayso Wasiirka iyo Maareeyaha Wadooyinka, kaddib markii Wasiirku inqilaab ku sameyey hawlihii Hayadaasi u igmanayd.
Wasiir Abokor, ayaa siffooyin Kala duwan qandaraasyo la xidhiidha Wadaada Berbera Corridor siiyey xubno qoyskiisa ah iyo sidoo kale kuwo ay isku hayb yihiin.
Qandaraasyadaas oo aanay haba-yaraatee aanu Wasiirku waxba Kala socodsiin Maareeyaha Hayada Wadooyinka oo ahayd in ay si toosa oo Madaxbanaan u maamusho mashruuca dhismaha Wadaada Corridorka iyo kuwa lamidka ah.
Khilaafka labadan masuul oo dhowr jeer oo hore soo noqnoqday, ayaa hadda waxa uu kusoo beegmay xilli Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi safar dalka dibadiisa ugu maqan yahay.
Si kastaba ha ahaatee, Wasiir Cabdilahi Abokor oo dadka dhaliila ku tilmaaman shaqsi aan lahayn aqoon Maadi Iyo mid maamul, ayaa waxa uu dheer Macan-gagnimo ku salaysan ciil-qabnimo Iyo ku xadgudub farogelineed oo u caadeystay inuu ku sameeyo Hayadaha madaxabanan ee dalka, waxa kaloo u ku goodiyaa Wasiirkani in ay dalka maanta ka taliyaan, isagoo ujeedkiisu yahay Waxanu nahay Beesha Madaxweynaha, taasoo hadii aanu degdeg Madaxweynuhuu wax uga qaban keenaysa ceeb maaro loo waayo