War Deg Deg Ah:-6 qof oo ku dhimatay iska hor'imaad ka dhacay magaalada Gaalkacyo
War Deg Deg Ah:-6 qof oo ku dhimatay iska hor'imaad ka dhacay magaalada Gaalkacyo
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iska hor'imaad saakay ka dhacay dulleedka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Iska hor'imaadka ayaa u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed , kaas oo ka dhashay muran dhul oo maalmihii u dambeeyay u dhaxeeyay labada maleeshiyo beeleed.
Maamulka gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo iyo Nabad-doonno ayaa ku guulaystay iney kala dhex galaan maleeshiyaadka dagaallamay.
Dhinaca kale,Ciidammada isku dhafka iyo kuwa xasillinta magaalada Gaalkacyo ayaa goobta gaaray, waxaana ay la wareegeen goobta inta xal laga gaarayo.
War Deg Deg Ah:-6 qof oo ku dhimatay iska hor'imaad ka dhacay magaalada Gaalkacyo
War Deg Deg Ah:-6 qof oo ku dhimatay iska hor'imaad ka dhacay magaalada Gaalkacyo