Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Wakiil Cusub U Soo Magacaabay Geeska Afrika

0
Thursday March 14, 2019 - 07:29:23 in by salman abdi
  • Visits: 480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Wakiil Cusub U Soo Magacaabay Geeska Afrika

    Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Wakiil Cusub U Soo Magacaabay Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Wakiil Cusub U Soo Magacaabay Geeska Afrika

War ka soo baxay qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in xoghaye António Guterres uu magacaabay Parfait Onanga-Anyanga oo ka soo jeeda wadanka Gabon kaas oo u qaabilsanaan doona wadamada geeska afrika.


Mr. Onanga-Anyanga ayaa leh khibrad uu mudo badan kaga soo shaqaynayey qaramada midoobay isaga oo soo noqday wakiilka xogyahaha guud u qaabilsan hawlgalka xasilinta ee afrikada dhexe, isaga oo sanadkii 2015-na soo noqday xidhiidhiyaha qaramada midoobay u qaabilsanaa ka jawaabida kacdoonadii kooxda Boko Haram ee ka dagaalanta wadanka Nigeria.


Sidoo kale waxa uu soo noqday wakiilka qaramada midoobay ee wadanka Burundi, waxaanu xilal kala duwan ka soo qabtay qaramada midoobay iyo wadamo kale oo loo magacaabay.


Wakiilkan xoghayaha guud ee qaramada midoobay u soo magacaabay Geeska Afrika ayaa la filayaa inuu dhawaan bilaabo shaqada loo igmaday.