Nairobi:Kenya Oo Beenisay In Wasiirka Duulista Hawada Ee Soomaaliya Uu Ku Lug Lahaa Qandaraaskii Wakiilka Guud Ee Iibinta Ee Shirkadda Kenya Airways

0
Friday March 15, 2019 - 10:45:11 in by salman abdi
  • Visits: 366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nairobi:Kenya Oo Beenisay In Wasiirka Duulista Hawada Ee Soomaaliya Uu Ku Lug Lahaa Qandaraaskii Wakiilka Guud Ee Iibinta Ee Shirkadda Kenya Airways

    Nairobi:Kenya Oo Beenisay In Wasiirka Duulista Hawada Ee Soomaaliya Uu Ku Lug Lahaa Qandaraaskii Wakiilka Guud Ee Iibinta Ee Shirkadda Kenya Airways

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nairobi:Kenya Oo Beenisay In Wasiirka Duulista Hawada Ee Soomaaliya Uu Ku Lug Lahaa Qandaraaskii Wakiilka Guud Ee Iibinta Ee Shirkadda Kenya Airways

Wasaaradda Gaadiidka ee dalkaasi ayaa shaacisay in aanu Wasiirka Duulista Hawada ee Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad "Oomaar” wax door ah ku lahayn Qandaraaska loogu tartamayey Wakiilka Guud ee Iibinta ee Xafiiska Shirkadda Diyaaradaha Kenya Aiweys u jooga dalka Soomaaliya.

Shirkadda Kenya Airways waxay bishii November ee sannadkii hore soo bandhigtay Qandaraas ay kaga codsatay ciddii danaynaysa inay u tartami karaan jagada Wakiilka Guud ee Iibinta ee Shirkadda ee gudaha Xuduudka Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka ee Kenya ayaa sheegay inay Kenya Airways iyo Saraakiisha iyo Wasaaradiisa ahaayeen kuwii go’aanka ka gaadhay xulashadda qofka Madaxda ka noqon doona Xafiiska Iibinta Kenya Airways ee suuqa cusub ee Soomaaliya.
Codsiga Ogeysiiska ee Qandaraaskaasi ayaa ku beegnayd isla bishii ay Shirkadda Kenya Airways bilowday Duullimaadka Tooska ee Garoonka Caalamiga ee Jomo Kenyatta ee Nairobi iyo Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Agaasimaha Fulinta ee Kenya Airways, Sebastayn Mikoz ayaa sheegay in Khadka cusub ee Muqdisho qeyb ka yahay qorshaha ay ku doonayaan inay ku kordhiyaan Duullimaadyadda Kenya Airways, wuxuuna hoosta ka xariiqay in muhiimadda la siinayo Macaamiisha Shirkadda ee isugu jira Maalgashadayaasha, Ganacsatadda iyo Dalxiisayaasha ee ka shaqeysta ama maalgashada Soomaaliya.