Maraykan:-Trump Oo Markii Ugu Horreysay Adeegsaday Codka Diidmada Qayaxan

0
Saturday March 16, 2019 - 08:44:09 in by salman abdi
  • Visits: 467
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykan:-Trump Oo Markii Ugu Horreysay Adeegsaday Codka Diidmada Qayaxan

    Trump Oo Markii Ugu Horreysay Adeegsaday Codka Diidmada Qayaxan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Trump Oo Markii Ugu Horreysay Adeegsaday Codka Diidmada Qayaxan Madaxweyne Donald Trump ayaa codka diidmada qayaxan u adeegsaday tallaabo uu aqalka Congress-ka

dalkaasi ku diiday xaaladda degdegga ah ee uu Trump ku dhawaaqay, sababo la xiriira murankii xadka Mareykanka iyo Mexico.


Xildhibaannada dalkaas, oo ay ku jiraan 12 xisbiga Jamhuuriga ka tirsan, ayaa meel mariyay diidmada qaraarka.


 

 

Congress-ka ayaa hadda u baahnaanaya saddex meelood labo meel oo codadka labada aqal ah, si ay meesha uga saaraan go`aanka Trump, taas oo aan la fileyn inay dhacdo.


Waa markii ugu horreysay oo uu madaxweyne Trump adeegsado codka diidmada qayaxan tan iyo intii xilka madaxtinnimada Mareykanka loo doortay.


Mr Trump ayaa ku celceliyay in muhaajiriin sharci darro ah oo ka imaanayay xadka koofureed ee dalkaasi ay badankood ahaayeen dembiilayaal Mareykanka soo gelinayay daroogo.


Aqalka Wakiillada dalkaas oo ay xukumaan Dimuqraaddiga, ayaa bishii hore meel mariyay qaraarka meesha looga saarayo xaaladda degdegga ah, 12 xildhibaan oo Jamhuuriga ka tirsan ayaana la saftay xisbiga Dimuqraaddiga, 59 xildhibaan ayaana Khamiistii u codeeyay.


Isla markii uu Aqalka Sare codeeyay, Mr Trump ayaa bartiisa Twitterka ku soo qoray inuu adeegsaday codka diidmada qayaxan.


Maxaa kaddib dhici doona?


Kaddib codka diidmada qayaxan ee uu Trump adeegsaday, qaraarka ayaa mar kale lagu celinayaa Aqalka Sare.


Maaddaama ay Dimuqraaddiyiintu xukumaan Aqalka Sare, waxay u baahnaan doonaa 67 cod si ay meesha uga saaraan codka diidmada qayaxan ee uu Trump adeegsaday.


Sidaas daraaddeed, maaddaama keliya 12 ka mid ah xildhibaannada Jamhuuriga ee 53-da ka kooban ay la safteen Dimuqraaddiyiinta, waxaa yar suurto-galnimada ah inay ku guuleystaan inay tuuraan codka diidmada qayaxan ee Trump.


BBC