Hargaysa:-Ma Shir Baa Hargeysa Iyo Muqdisho Uga Furmaya Gaana, Mise Madaxweynaha Ayaa Isku Khalday Magaalooyinka Accra Iyo Ankara?

0
Saturday March 16, 2019 - 11:19:56 in by salman abdi
  • Visits: 621
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Ma Shir Baa Hargeysa Iyo Muqdisho Uga Furmaya Gaana, Mise Madaxweynaha Ayaa Isku Khalday Magaalooyinka Accra Iyo Ankara?

    Ma Shir Baa Hargeysa Iyo Muqdisho Uga Furmaya Gaana, Mise Madaxweynaha Ayaa Isku Khalday Magaalooyinka Accra Iyo Ankara?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ma Shir Baa Hargeysa Iyo Muqdisho Uga Furmaya Gaana, Mise Madaxweynaha Ayaa Isku Khalday Magaalooyinka Accra Iyo Ankara? Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in Turkigu abaabulayo kulan la filayo inuu 19 bishan ka dhaco magaalada Accra ee dalka Gaana, oo lagu samayn doono guddi caalami ah oo kala dhex gasha Somaliland iyo Soomaaliya.


Madaxweyne Biixi, ayaa hadalkan u sheegay jaaliyadda Somaliland ee Imaaraadka Carabta oo uu la kulmay habeenimadii Khamiistu soo galaysay. Madaxweynaha ayaa sheegay in Turkigu ka shaqaynayo sidii loo samayn lahaa bishan 19keeda guddi farsamo oo beesha caalamka ah


 

 

Madaxweyne Biixi wuxuu yidhi "Cisho dhawayto Turkiga ayaa waanigii meelo horena ka sheegee waxaanu ku nidhi waar keligaa ku abqlali maynee caalamka kale hana soo dhex galo wuu aqbalay


Warqad ayaanu soo celiyay Ingiriiska, Maraykanka, Midowga Yurub, Sweden wuxuu ka codaday in la isugu yimaado 19ka bishan meesha la yidhaahdo Gaana; Accra, si loo sameeyo guddi caalami ah oo Somaliland iyo soomaaliya kala dhex gala, waxa hubaal ah inay xamar iyo inta la joogtaaba ka dagaalamayaan.” Sidaas ayuu Madaxweyne Biixi yidhi.


Hase yeeshee waxa hadalkaas Madaxweyne Biixi ka dib soo baxay su’aalo badan oo la iska weydiiyay dalka Gaana ee uu Madaxweyne Biixi sheegay inuu martigelinayo kulankaas. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Turkigu abaabulayo kulankaas, haddana wuxuu sheegay inuu kulanku ka dhici doono magaalada Accra ee dalka Gaana, halkaasna waxa la iska weydiin karaa su’aal ah Turkigu muxuu dedaalkiisa iyo tacabkiisa kala doonayaa dalka Gaana?


Turkiga ayaa ergey gaar ah oo weliba khabiir ku ah arrimaha Soomaalida wuxuu u magacaabay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Turkigu u muuqdaa inuu doonayo inuu xoogga saaro sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalada Hargeysa iyo Muqdisho.


Dad badan ayaa aaminsan inaanu jirin kulan qorshaysan inuu Somalialnd iyo Soomaaliya ku dhex maro dalka Gaana, laakiin ay u dhowdahay in la isku khalday labada magaalo ee Ankara oo Turkiga ah iyo Accra oo Gaana ah.


Wargeyska Geeska Afrika ayaa cadadkiisii Khamiistii wuxuu shaaciyay inuu baaqday kulan la qorsheeyay inuu magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku qabsoomo, kulankaas oo gogal xaadh u noqon doona wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya,waxaanu wargeysku sheegay in kulankaasi baaqday ka db markii ay ka qayb galkiisa ka cajo jiideen dalalka uu Madaxweyne Biixi sheegay ee Ingiriiska, Maraykanka iyo Sweden.


Rashiid Cabdi oo ka tirsan hay’adda caalamiga ah ee ICG ee xasaradaha dunida oo fadhigiisu yahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ayaa mawduucan ku soo hadal qaaday qoraal kooban oo uu ku qoray bartiisa twitterka, waxaanu sheegay inaanu jirin kulan qorshaysan oo ka dhacaya Gaana, taas bedelkeedna uu jiro kulan ka dhacaya Ankara, Turkiga. Waxaanu Mr. Rashiid yidhi "Waxa la ii sheegay inaanu jirin kulan Gaana ka dhacayaa. Taas bedelkeed, Turkiga ayuu ka dhacayaa.” Ayuu yidhi Rashiid waxaanu intas raaciyay inay u muuqato in qof uu isku khalday labada magac ee Ankara iyo accra.


Wargeyska Geeska Afrika wuxuu isku dayay inuu wax ka weydiiyo jiritaanka kulanka magaalada Accra ee Gaana wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin Faratoon oo dalka dibadiisa ku maqan, wasiirkuna kama soo jawaabin farriin cod iyo qoraal ah oo uu Geeska Afrika u mariyay telefoonkiisa gacanta.


Si kastaba ha ahaate, waxa 19 March kala cadaan doona in Somaliland iyo Soomaaliya uu shir gogol xaadh ahi ku dhex mari doono magaalada Accra ee Gaana iyo in Madaxweynuhu u jeeday magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo la qorsheeyay shirkaasi inuu ka furmo laakiin uu baaqday.