Muqdisho:-Casho Sharaf Xalay Madaxtooyada Soomaaliya Loogu Sameeyay Madaxweynaha Jabuuti

0
Sunday March 17, 2019 - 10:14:33 in by salman abdi
  • Visits: 333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Casho Sharaf Xalay Madaxtooyada Soomaaliya Loogu Sameeyay Madaxweynaha Jabuuti

    Casho Sharaf Xalay Madaxtooyada Soomaaliya Loogu Sameeyay Madaxweynaha Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Casho Sharaf Xalay Madaxtooyada Soomaaliya Loogu Sameeyay Madaxweynaha Jabuuti Madaxweynaha dalka Jabuuti oo maalintii shalay safar shaqo ku gaadhay magaalada Muqdisho ee


caasimadda Soomaaliya ayaa xalay ka qeybgalay munaasabad casho sharaf ah oo loogu sameeyay madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya.


Munaasabada oo ay wada fadhiyeen madaxweynaha martida loo hayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu soo bandhigay suugaan kala duwan.


 

 

Waxaa sidoo kale munaasabada joogay oo ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed, Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan DFS.


Labada madaxweyne ayaa saaka lagu wadaa in yeeshaan kulamo lagaga arrinsanayo danaha ay wadaagaan labada dal iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya iyada oo sidoo kale Madaxweynaha Jabuuti la filayo in uu khudbad gaar ah u jeediyo fadhi wada jir ah oo ay yeelan doonaan labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.


Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa muddo badan waxa ay xidhiidho wacan la lahayd maamuladii soo maray Soomaaliya tan iyo wixii ka dambeeyey burkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya, iyada oo shirar badan oo dib u heshiisiineed u qabatay kooxaha siyaasadda ee Soomaalida.