Shabeele:-Al-shabaab Oo Dib U Qabsaday Deegaanno Ay Isaga Baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya
Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in xoogagga Ururka Al-shabaab dib ula wareegeen deegaanno ay ka baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya oo ka cabanaya mishaar la’aan.
Sidoo kale Al-shabaab warar ay faafiyeen baraha bulshada ayeey ku sheegeen in ay qabsadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
War maalintii shalay ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo taliska ciidanka xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada xoogga dalka uu ku socdo tirakoob, isla markaana ciidamada la tirakoobay ay mushaarkooda qaateen kuwa kalena lasiin doono markii la tirakoobo.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa marar badan oo hore ku dhaqaaqay tallaabadan oo kale, iyaga oo deegaannada ay banneeyaan ay dib ula wareegaan xoogagga Al-shabaab.
Shabeele:-Al-shabaab Oo Dib U Qabsaday Deegaanno Ay Isaga Baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya
Al-shabaab Oo Dib U Qabsaday Deegaanno Ay Isaga Baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya